Soomaaliya: Khayre oo la kulmay Guddiga dib u eegista Dastuurka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xarunta Gollaha Aqalka Sare kula kulmay guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka.

Waxay ka wada hadleen dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu falan qeeyey heerka wada shaqayn ee ka dhaxeeya laamaha ku howlan dastuurka iyo habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan dhammaystirka dastuurka Soomaaliya.

Mudane Khayre ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo dhammaystirka dastuurka, si loogu gudbo wax walba oo dib-u-dhac u keeni kara in waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaan wayso dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga la socodka arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isku fahmeen wixii khilaaf ah in la dhameeyo si howlaha Dastuurkana la der-gergeliyo.

Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi iyo ku xigeenkiisa, Abshir Bukhaari ayaa sidoo kale ka qeyb-galay Kulanka Gudiga la yeeshay Ra'iisul Wasaare Khayre.

Kulanka ayaa kusoo beegmay, xilli uu baaqday Shirweynaha qaran, ee Dastuurka, oo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho, kadib markii ay qaadaceen Gudiyada Dastuurka iyo maamulada.

Dhamaan mamaul goboleedyada dalka waxay ka baaqsadeen inay shirka ka qeybgalaan, iyagoo ku eedeeyay Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda inay afduubtay Hanaankii dib uu eegista Dastuurka.

Wasiirka Wasaarada Xoosh ayaa lagu eedeeyey In wadadii loogu talagay dib eegista Dastuurka ka leexiyey halka sidoo kale la sheegey in musuqmaasuq lala xiriirinayo barnaamijkaan.

Wasaaradda oo kaalinteedu ahayd fududeynta dib u eegista dastuurka, ayaa lagu dhaliilay inay la wareegtay kaalintii gudiyada iyo maamul goboleedyada, oo sheegay in laga tala-gelin waayay hanaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM