West Brom oo cashar u dhigtay Arsenal

Image
Image
Image
Image

Kooxda waayadan dambe xaalku ka xumaan ee Arsenal ayaa mugdi galay soo bixitaankee Champion leaga kadib markii guul-darro xanuun badan uu kasoo gaaray kooxda lagu magacaabo Westa Brom oo ku dubatay 3:1.

Taageerayaasha Arsenal ayaa garoonka lasoo galay ereyo ka dhan ah Macallinka layliya Gunners ee Arsena Wiger.

12 daqiiqo oo qura ayaay ciyaartu socotay markii Kubad gees laad ah oo ay soo tuureen laacibiinta West Brom uu madax ku dhaliyay Dawson iyadoo daafacyada Arsenal ay ahaayeen kuwa liitay oo aan kubada si fiican u difaacanin, waana mid ka mid ah goolasha badan ee kubadaha dhintay ee ay kooxdan caanka ku noqotay xilli ciyaareedkan.

Saddex daqiiqo kadib Sanchez ayaa ka jawaabay oo u dhaliyay Goolka Bar-bar dhaca inkastoo uu noqday mid kaliya ee la hoydeen kooxda Arsenal.

West Brom ayaa hogaanka mar kale ciyaarta u qabatay daqiiqadii 55aad, markii laacibka Robson-Kanu oo daqiiqad kaliya ku jiray garoonka uu banooni xirfadaysan dhex-dhiigay shabaqa Arsenal

Goolka seddexaad waxa uu la mid ahaa sida goolkii koowaad oo kale, West Brom ayaa kooner soo qaaday, waxaana madaxa la helay Dawson kaasoo markaan ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhaye David Ospina.

Arsenal ayaa kaalinta shanaad si KMG ugu jirta oo ay ku xirantahay cayaaraha kale dhici doona, waxaase booska kula jirta Everton oo ay isku dhibco yihiin.

Dhinaca kale kooxda Chelsea ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka Premier League iyagoo ku qabtay haatan 13 dhibcood ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Stoke City oo marti loo ahaa, waxaana ay guushooda uga mahadcelinayaan gool uu waqtigii dhimashada ciyaarta u dhaliyay kabtankooda Gary Cahill.

Kooxda Everton ayaa xasuuq xoog leh u gaysatay Hull city kadib markii ay kaga badiyeen.

Romelu Lukaku ayaa sii wata gool dhalintiisa layaabka leh ee uu xili ciyaareedkan kala soo muuqday horyaalka Premier Leaque-ga isaga oo laba gool ka dhaliyay kulankii ay Everton 4:0 ku xasuuqday kooxda Hull City.

Lukaku ayaa dheeraystay hogaanka gool dhalinta Premier Leaque-ga oo uu ku qabtay 21 gool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Erling Haaland oo Dhaawac Awgiis Garoomada Ka Maqnaan Doona ilaa Dhamaadka Janaayo

Erling Haaland ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhammaadka bisha Janaayo.

  • Cayaaraha

    13-01-2024

  • 06:51AM

Al-Nassr oo Sadio Mane kala soo wareegay Bayern Munich

Mane ayaa loo arkaa inuu yahay xiddigii labaad ee ugu weyn ee la saxiixday Al-Nassr, ka dib Cristiano Ronaldo oo ay la wareegeen bilowgii sanadkan.

  • Cayaaraha

    02-08-2023

  • 08:04AM