​Shacabka Garowe oo maanta si wanaagsan u ciiday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta si wanaagsan looga ciiday magaalo  madaxda Puntlan ee Garowe, iyadoo ciidan ka duwanayd kuwii hore, maadama madaxda ugu sarraysa dowladda aysan ku sugnayn.

Garoonka Mire Awaare iyo guud ahaan masaajidda magaalada ayaa waxaa ku tukaday labada Rakcadood ee Ciidul Adxa bulshada rajidka ah qaybaheeda kala duwan iyadoo culimaa'uddiinku soo jeediyeen khudbado diiradda lagu saaray sida diinta Islaamku u weynaysay maalintan.

Waxay umadda ku baraarujiyeen inay sameeyaan dhammaan waxyaabah ay farayso diintu.

Waxaa sidaas si lamid ah looga ciiday magaalooyinka kale ee dalka Somalia guud ahaantood, waxaana hambalyo ku aadan maalinta diray madaxda Somalida Idilkood, kuwaasoo bulshada Alle uga baryay inay sannadkan kiisa kale ku gaaraan barwaaqo iyo bash-bash.

Mas'uuliyiinta Warsidaha Garowe Online, Tifaftirayaasha iyo dhammaan shaqalaha katirsan ayaa Halbalyo sidoo kale u diraya umadda Islaamka ah meel kastoo ay joogaan, waxaana Idin leenahay Sannadkan kiisa kale EEBBE ha inagu simo Nabad iyo Caafimaad.

GARWEONLINE

Related Articles

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM

Booliska Jarmalka oo lagu canaantey fal ay kula kaceen qoys Muslim ah

Muuqaal aad ugu faafay Baraha Bulshadda ayaa sababay carro iyo dhaleeceyn ka dhan ah laamaha amniga Germany.

  • Islam

    30-04-2023

  • 04:20AM