Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Sheekha Al-azhar [Sawiro]

Image
Image
Image
Image

QAAHIRA-  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii labaad booqasho ku jooga dalka Masar ayaa maanta tagay Xarunta Al-Azhar Al-Shariif ee magaalada Qaahira, halkaas oo sii diirran uu ugu soo dhaweeyey Imaamka Mu’assasada Al-Azhar Dr. Axmed Al-Dayib.

Sheekh Axmed Al-Dayib ayaa sheegay in Mu’assasada Azhar ay ku garab taagantahay Soomaaliya dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo fikirka xagjirnimada ah.

Sheekha Al-azhar ayaa yiri “Mudane Madaxweyne, waxaan Alle kaaga rajeynaynaa in uu ku waafajiyo waddada aad ku gaarsiin lahayd dadkaaga iyo dalkaaga xasillooni iyo horumar. Waxaan kuugu bishaaraynayaa in Azhar ay idinla garab taagantahy waxbarasho iyo wacyi gelin ku aaddan arrimaha diinta si loo dabar gooyo fikirka xagjirnimada.”

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekha Al-azhar ayaa isla qaatay:

1.In deeqaha waxbarasho ee Azhar ay siiso Ardayda Soomaaliyeed la kordhiyo 50% sannadkan.

2.In Culumada Soomaaliyeed iyo kuwa dhiggooda ah ee Al-Azhar ay yeeshaan kulumo joogta ah oo ku aaddan iftiiminta fikirka xagjirnimada iyo sida uu hareer marsanyahay diinta iyo dhaqanka Islaamka.

3.In dalka laga hir galiyo xarun casri ah oo lagu barto Afka Carabiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay kaalinta ay Culumada Azhar ku leeyihiin Soomaaliya iyo guud ahaan hawlwadeennada Mu’asasaadaasi maadama ay tahay hooy waxbarasho oo ay ardayda Soomaaliyeed kusoo hirtaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa yiri “waxaan ku kalsoonahay kaalinta aad ka qaadan kartaan wacyi gelinta dhallinyarada la marin habaabiyey iyo sidii loola dagaallami lahaa fikirrada xagjirka ah ee dhibaatada ku haya dalalkeenna.”

Sheekha Azhar Dr.Axmed Al-Dayib ayaa ballan qaaday in dhawaan ay kooxo culimo ah u soo diri doonaan Soomaaliya, sidoo kalena ay Masar ku casuumayaan Culumada Soomaaliyeed si la isaga kaashado baabi’inta fikirrada xagjirnimada.

Xafiiska Madaxweynaha JFS

Related Articles

HSF oo Deeq gaarsiisay Isbitaal ay ku jiraan dadka dhimirka la’

Intaa ka dib, mas’uuliyiinta ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ku noolyihiin bukaanada dhimirka la’ ee rag iyo Dumar ba leh.

  • War Saxaafaded

    15-03-2024

  • 04:40PM

Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

  • War Saxaafaded

    14-02-2024

  • 04:14AM