Maxaa looga hadlay Kulanka Farmaajo iyo Al Bashiir?

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KHARTUUM, Sudan - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sudan ayaa caawa kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Suudaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa. Sidoo kale, xubnaha Golaha Wasiirrada ee la socda wafdiga Madaxweynaha ayaa iyagana gaar gaar ula kulmay dhiggooda.

Labada Madaxweyne ayaa ayaa isla gartay qorshe lagu sameynayo dallad dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin dalalka Geeska Afrika oo uu soo jeediyay Madaxweyne Al Bashiir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dadaal dheeri ah sidii looga miro dhalin lahaa qorshayaasha ku aaddan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Geeska Afrika.

“Dallad dhaqaale oo wadamada Geeska Afrika ay yeeshaan waxa ay kor u qaadaysa heerka uu joogo dhaqaalaheenno, waxa ay meesha ka saaraysaa xasilooni darrada haraysay qaybo badan oo ka mid ah gobolka.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Zaynab Cabdi Macalin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Mudane Yuusuf-Garaad Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Beeraha Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasna, Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macalin Nuur, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM