Algeria oo hanatay tartanka kubadda cagta Qaramada Afrika

Image
Image
Image
Image

QAAHIRA, Masar – Xulka qaranka Algeria ayaa wuxuu ku guuleystay tartanka kubadda cagta Qaramada Afrika markii uu dhagta dhiiga u daray dhigiisa wadanka Senegal.

Ciyaarta kama dambeys ah oo labada waddan ku dhex-martay qalcadda caalamiga ah ee Cairo ayaa waxay kusoo idlaatay 1-0 oo dalka Carbeed uu ku badiyey.

Goolka guusha oo rafaad badan laga maray ayaa waxaa shabaqa ku hubsaday laacibka lagu magacaabo Baghdad Bounedjah, daqiiqadii 2aad ee qaybta koowaad.

Tani macnaheedu ayaa waxay yahay in bogga koowaad ee dheesha ay kusoo dhamaatay 1-0, isla markaana qeybta labaadna la is-mari waayey.

Waa markii ugu horeysay oo ay Algeria hanato koobkan tan iyo sanadkii 1990-kii, xiligaasi oo ay ka faromaruujiyeen waddanka awooda badan ee Nigeria oo uu ku dubtey 1-0.

Dhaliyaha goolka ee waqtigaasi ayaa wuxuu ahaa xidiga la yiraahdo Chérif Oudjani, kaasi oo baal-dahab ka galay sooyaalka dalkiisa hooyo.

Dabaal-deg ayaa wuxuu ka socda magaalooyinka waaweyn ee Algeria, iyadda oo hambalyadda loo dirayo ciyaartoyda guusha soo hoyday ay dhinacyo kala duwan ka imaaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pep Guardiola oo qiil u yeelay guuldarooyinka Man City

City waxay isku diyaarineysaa kulan muhiim ah oo ay Liverpool ku wajahayaan Anfield, iyadoo rajeynaysa inay joojiso hoos-u-dhaca taariikhiga ah.

  • Cayaaro

    24-11-2024

  • 04:55AM

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM