Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Image
Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

Muqdisho, Soomaaliya - Kooxda Kubadda Cagta Bayern Munich ayaa tartanka Champions League ka reebtay Arsenal oo ay guul 1-0 ah kaga gaartay garoonka Allianz Arena, waxaanay Bavaria iska xaadirisay Semi-Finalka.

Munich ayaa sidii la filayey, waxay mar kale noqotay wadka Arsenal oo markii ugu dambaysay ee ay Gunners ka soo qayb-gasho tartankanna kaga reebtay.

Goal uu Bayern Munich u dhaliyey Joshua Kimmich qaybta labaad ayaa go’aamiyey guusha ay kooxda reer Germany ka gaartay Arsenal oo ka faa’iidaysan weyday fursado badan oo ay heshay labadii qaybood ee ciyaarta.

Dhanka kale, Real Madrid ayaa tartanka ka reebtay kooxda koobka difaacanaysay ee Manchester City oo ay rigooreyaal kaga takhalustay iyadoo waliba marti ku ahayd garoonka Etihad Stadium.

Labadan kooxood oo lugtii hore kusoo kala baxay barbarro 2-2 ah, ayaa 90kii daqiiqadood ee ciyaarta caawa waxa ay ku dhamaysteen barbarro 1-1 ah, taas oo qasabtay in 30 daqiiqadood lagu daro balse markii ay ku kala bixi waayeen loo dhigay rigoodheyaal.

Real Madrid ayaa rigooreyaal 4-3 ah ku garaacday Manchester City oo garoonkeeda joogtay, iyadoo Andriy Lunin uu kubadda ka badbaadiyey Bernardo Silva iyo Mateo Kovacic, halka Real Madrid kubadda laga qabtay Luka Modric.

 

Related Articles

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM

Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudurdaartey

Faaruuq Koca ayaa xabsi la dhigay markii falkan uu ku kacay wallow haatan xorriyadiisa dib u helay.

  • Cayaaro

    28-12-2023

  • 05:25AM