Harry Kane oo Bayern Munich u saxiixay heshiis afar sano ah

Image
SAWIRKA: AFP

LONDON - Kabtanka xulka qaranka England Harry Kane ayaa ku biiray kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich isaga oo kaga soo biiray kooxda Premier League ee Tottenham Hotspur, wuxuuna u saxiixay heshiis afar sano ah sida ay goor dhaweyd sheegtay kooxda Munich.

Bayern ayaa sheegtay in 30-sano jirkan uu saxiixay heshiis ilaa 2027 kadib wadahadallo daba dheeraaday oo u dhaxeeyay labada kooxood.

Ma aysan shaacin lacagta lagu kala iibsaday ciyaaryahankan, taasoo ay warbaahintu sheegtay inay ku dhowdahay 100 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 109 milyan oo doolar.

Taasi waxay noqon doontaa lacagtii ugu badneyd ee koox ka tirsan horyaalka Bundesliga ay ciyaaryahan kusoo iibsato.

“Bayern waxa ay Harry Kane kala soo wareegtay Tottenham Hotspur, Weeraryahanka England waxa uu saxiixay heshiis dhacaya June 30, 2027. Waxa uu xiran doonaan funaannadda numbeka 9-aad ” ayay tiri kooxda Munich.

ISHA: VOA

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM