Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Image
Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tartanka kubada cagta Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa qarka u saaran in uu burburo markii uu xoogeystay khilaaf u dhaxeeya Wasaarada Cayaaraha iyo Xiriirka Kubada Cagta, sida GO fahansan tahay.

Koobkan oo illaa haatan laga dheelay sideed kulan ayaa waxaa hareeyay fowdo iyo gacan-ka-hadal. Dadka naqdinaya maamulka tartankan ayaa dhibaatooyinkan la xiriirinaya "maareyn iyo qorshe xumo".

Iyadda oo caqabadahan ay taagnaayeen, haddana waxaa soo-shaac-baxdey in Wasaaradda iyo Xiriirka Kubada Cagta oo wakiil ka ah maamulada iyo gobolka Banaadir ay isku-qabteen arrimaha maaliyadda tartanka.

Shirkii soo idlaadey natiijo la'aanta

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo, madaxda wasaaradda iyo xiriirka kubada cagta oo ay wehliyaan wakiilo ka socday dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa fadhi gaar ah yeeshay todobaadkan.

Kulankan ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa iska-xog-wareysiga dhaqaalaha illaa hataan kasoo xaroodey kulamada la dheelay waxaana warbixin laga dhageystay Shirkadda DalDhowr oo lagu wareejiyay maamulka Stadium Muqdisho.

"Arrinka qariibka noqotay waxay tahay in shirkaddu sheegtay in 60-kun doolar ay kasoo xarootay cayaaraha la dheelay taas oo ka badan xataa dhaqaalaha laga helay kaliya kulankii furitaanka koobka," ayay sheegeen xubno xog-ogaal ah.

Dalabka xiriiradda kubada cagta

Shirkadda DalDhowr ayaa la aaminsan yahay in ay tahay aalad ay lacag dhaqid u adeegsadaan madaxda Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Soomaaliya ayna wehliyaan mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Intii uu socda shirkan natiijo la'aanta kusoo dhamaadey, arrimaha kale ee la isla soo qaadey waxaa kamid ah in hoos oo dhigo kaalinta wasaaradda ee koobkan isla markaana lagu soo koobo korjoogto iyo ka shaqeynta siyaasada guud.

"Qodobkan waxa taageero uu ka helay aqlabiyadda xubnihii fadhiyay shirka marka laga reebo hogaanka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha taas oo keentay in fadhiga lagu soo kala tago," ayay hoosta ka xariiqeen goobjoogeyaasha.

Khatarta kusoo foodleh tartanka

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo Koonfur Galbeed ay uga baxdey tartanka gadood ay ka qaadey weerar ay ciyaartoydeeda iyo maclaimiinta kala kulmeen taageereyaal kadib ciyaartii ay guuldarada kala kulmeen Galmudug.

Haddii aanan si degdeg ah loo xalin kiiskan, tartanka ayaa waxa uu qarka u fuulayaa in uu gabi ahaanba fashilmo taas oo wajigabax ku noqoneysa guud ahaan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Cayaaraha.

Tartanka kubadda cagta Dowlad goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir ayaa markii ugu dambeysay ee la qabtey waxay ahayd 2020-kii xilligaas oo uu ku guuleystay Gobolka Banaadir isla markaana uu ku qabsoomay jawi buuq la'aan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudurdaartey

Faaruuq Koca ayaa xabsi la dhigay markii falkan uu ku kacay wallow haatan xorriyadiisa dib u helay.

  • Cayaaro

    28-12-2023

  • 05:25AM