Soomaaliya oo markii koowaad ka qeybgalaysa tartan ka furmaya Nairobi

Image
Is-reeb-reebka tartankan ee gobalka CECAFA ayaa furmi doona 11-ka bishan December.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta Muqdisho ka ambabaxay cayaartoyda BU School oo sanadkan Soomaaliya ku matali doona tartanka Pan African Schools Championship oo markii ugu horeysay ay Soomaaliya ka qeyb galeyso.

Is-reeb-reebka tartankan ee gobalka CECAFA ayaa ka furmi doona magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya 11-ka bishan December sanadkan aan ku jirno ee 2023-ka.

"Waxaa la rajeynayaa in cayaartoyda Banadir United School oo mudo diyaar-garow ku jiray ay guulo la taaban karo kasoo hooyaan insha Allah," ayuu yiri Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Wafdiga Soomaaliyeed waxaa hogaaminaya xubin guddiga fulinta Maxamed Ciiro, waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International kusii sagootiyay gudoomiye ku xigeenka 3-aad ee xiriirka Yuusuf xuseen Muumin iyo Bashiir Salaad Barre oo ka tirsan guddiga fulinta xiriirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM