Soomaaliya oo afar garsoore dhexda ah ku yeelatay Liiska FIFA

Image
Guud ahaan waxaa liiska FIFA Soomaaliya ugu jira 9 garsoore oo kala ah 4 dhexda ah iyo 5 calan wade.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa sanadkan sameeyay horumar weyn oo dhanka garsoorka ah taasoo ka dambeysay dadaal dheeri ah oo uu sameeyay gudoomiyaha xiriirka Cali Cabdi Maxamed.

Balanqaadyadi uu sameeyay gudoomiyaha xiriirka sanad ka hor waxaa ka mid ahayd in uu garsoorka Soomaaliya gaarsiin doono heer ka sarreeya midka uu markaas joogay lana kordhin doono tirada iyo tayada garsoorka dalka.

GUULAHA GARSOORKu GAARAY.

Guulaha uu garsoorka Soomaaliya gaaray mudadii uu xilka hayay gudoomiye Cali Cabdi Maxamed waxaa ka mid ah in markii ugu horeysay muddo 35 sano ah uu garsoore Soomaaliyeed kasoo muuqan doono cayaaraha qaramada Africa ee Africa Cup Of Nations, kaasoo ah Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Guulaha kale waxaa ka mid ah in Soomaaliya ay markii ugu horeysay tiro afar garsoore op dhexda ah ku yeelatay liiska garsoore yaasha caalamiga ah ee u diiwaan gashan FIFA waxaana la rajeynayaa in sanadka dambe tiradaasi sii kororto sida uu sheegay gudoomiye Cali Cabdi Maxamed oo wali dadaalkiisa sii wada. Horay Soomaaliya waxay u lahayd 3 garsoore oo dhexda ah.

Guud ahaan waxaa liiska FIFA dalkeena ugu jira 9 garsoore oo kala ah 4 dhexda ah iyo 5 calan wade waxayna kala yihiin:

Garsoorayaasha dhexda

1 ARTAN Omar Abdulkadir

2 HUSSEIN Ahmed Hassan 

3 MUHUDIN Mohamed Nur

4 HAGI Hassan Mohamed.

Calan wadayaasha

1 ABDI Hamza Hagi Accepted

2 SULEIMAN Bashir Sh. Abdi

3 MAHAMUD Mahad Ali

4 EID Adam Ali

5 ALI Mowlid Rage

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM