Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudurdaartey

Image
Faaruuq Koca ayaa xabsi la dhigay markii falkan uu ku kacay wallow haatan xorriyadiisa dib u helay.

ISTANBUL, Turkiga - Madaxweynaha kooxda kubadda cagta ee ka dhisan Turkiga, Faaruuq Koca oo todobaadyo ka hor feeray garsoore, ayaa Arbacadii shalay ahayd xabsiga laga sii daayay.

Taageerayaasha naadiga kubada cagta Ankaragucu ayaa si qurux badan ugu soo dhaweeyay hogaamiyahooda iyaga oo sameeyay bandhig si weyn usoo jiitay indhaha caalamka.

Koca oo la hadlay saxaafadda kadib sii deyntiisa ayaa waxa uu u mahadceliyey cid walba oo usoo baxdey inuu dib u helo xorriyadiisa wuxuu caddeeyay inuu qiranayo wixii qalad ahaa ee ka dhacay.

"Weligay ma difaacayo tallaabadan aan qaaday. Dhammaan asxaabtayda i yaqaana waxay hubin karaan inaan ahay qofka ugu dambeeya ee falkan samayn doona," ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

Wuxuu raaciyay: "Si kastaba ha ahaatee, waxaan nahay aadane. Waxaan ka falcelinaa qaladaadka iyo cadaalad darada aan aragno. Qaabka falcelinta ayaa laga yaabaa inay khaldan tahay, laakiin Inaad noqoto dad, inaad nin noqoto, waa inaad ka falceliso oo aad ka soo horjeeddaa caddaalad-darrada iyo khaladka".

"Waxaa jira waxyaabo qiyam ah oo aan horey ugu qaatay mabda'a ahaan nolosheyda. Ma doonayo in aan helo magac kasta oo aan u qalmin. Ma rabo in aan halkan uga tago anoo geesi ah," ayuu xusay.

Kubada cagta Turkiga ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxa ay si weyn usoo jiidaneysa indhaha taageereyaasha banaaniga caalamka taas oo horyaalka dalkan ka dhigtay mid dunida looga soo daawasho tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM