Buuqa doorashada xiriirka ciyaaraha oo wali dhinac u dhicin

Image
Warar ayaa sheegaya in xaaladdu gaartey heer uu "soo farageliyo xafiiska madaxweynaha".

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ayaa guddi heer wasiiro ah iyo khubaro kale u saartay in ay xal ka gaaraan khilaafka ragaadiyay doorashada hoggaanka xiriirka kubbada cagta Soomaaliya, kaas oo weli aanan dhinac u dhicin.

Arrintan oo gaartay illaa heer xafiiska madaxweynaha uu soo faragaliyo ayaa maalinba maalinka kasii dambeysa sii kululaanaysa, iyada oo uu xarig-jiidka uu ka dhaxeeyo kooxo awood badan oo Muqdisho ka jira.

Dhinacyadan ayaa la wariyey in ay gadaal ka kala taaganyihiin siyaasiyiin saamayn leh iyo ganacsato la sheegay in ay dano ku qabaan lacagaha waaweyn ee FIFA ka yimaada ee Soomaaliya loogu talogalay.

Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa iyadu weli diidan in la qabto doorasho "hal qof loo codeynayo", waxayna doonaysaa in musharixiin kala duwan ay ku tartamaan, "nidaamkana laga dhigo mid hufan".

Kulan ka dhacay gudaha xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo la isugu keenay hoggaanka dib u doorashada doonaya ee Cali Shiine uu hoggaamiyo iyo wasaaradda ciyaaraha ayaa la sheegay in la isku fahmi waayay, loona balamay kulamo kale in ay dhacaan.

Xiriirka iyo wasaaradda oo mar aad isugu soo dhowaaday ayaa markale kala taagan, iyada oo weli xiriirka uu ku adkaysanayo in uu doorashada u qabto sida ay iyaga la tahay.

Wasaaradda dhalinyaradda iyo cayaaraha federaalka ayaa dhankeeda weli ay diidantahay wax ay u aragto nidaam baalmarsan dimuqoraadiyadda iyo xuquuqaadka muwaadhinta ee ka qeygalka doorashooyinka kala duwan ee waddanka ka dhaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM