Cabdixafiid Maxamed: Waa kuma laacibka guusha u soo hooyay Qaranka?

Image
Rejada iyo Mustaqbalka Cabdixafiid ayaa hadda ah mid ifaya, iyada oo la filan karo in Mustaqbalka uu ku biiri karo xulka weyn ee qaranka. 

MUQDISHO, Soomaaliya - Shalay waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada qabsaday wiil yar oo dhaliyay goolkii guusha ee kooxda 17 jirada Soomaaliya ciyaartii ay la dheeleen dhigooda dariska ee Itoobiya. 

Magaciisu waa Cabdixafiid Maxamed oo ku dhashay Kismaayo, sanadihii dambane ka tirsanaa kooxda Elman ee ka dhisan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. 

Balse wiilkani wuxuu leeyahay qiso dhow, ciyaarihii ugu dambeeyay ee gobolada waxa uu hami weyn ka lahaa in uu u safto xulka Jubbaland, waxaana dhacday in lagu daro ciyaartooyda loo xareeyay xulka, balse markii dambe si caddaalad daro ah looga reebay xulka iyada oo aanan loo sheegin sabab macquul ah. 

Cabdixafiid wuxuu markii dambe fursad ka heley kooxda Koonfur Galbeed oo uu u saftay, wixii markaasi ka dambeeyayna wuxuuba toos ugu wareegay Muqdisho. 

Isaga oo aad u da’ yar oo ku ciyaaraya garoomaha boodhka leh ayaa waxaa hibadiisa fahmay macalin lagu magacaabo Kaata, kaas oo u suurtogaliyay in uu soo gaaro heerkan. 

Rejada iyo Mustaqbalka Cabdixafiid ayaa hadda ah mid ifaya, iyada oo la filan karo in Mustaqbalka uu ku biiri karo xulka weyn ee qaranka. 

Dhanka kale, arrinka wiilkani waxa ay markale soo ifbixisay cabashooyinka tirada badan ee laga qabo xiriirka kubadda ee Jubaland oo hoggaankiisa uusan isbadelin muddo dheer, lagana qaban wax doorasho hufan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM