Ciyaartoy la midab-takooray kadib kulankii England iyo Italy

Image

LONDON, UK - Xiriirka Kubadda Cagta ee England ayaa sheegay in ay "ka naxeen" ayna tahay wax "laga yaqyaqsado" cunsuriyadda lagula kacay saddex cayaartoy markii rigoorayaal kaga adkaadey Italy ciyaartii finalka Euro sanadka 2020 ee Axaddii.

Dhinacyadu waxay ku kala baxeen barbaro 1-1 waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray, Talyaaniguna wuxuu ku badiyay 3-2, iyadoo ciyaartoyda England Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka, oo dhamaantood Madow ah, rigoorooyin ay seegeen.

“Waan necbanahay in qaar ka mid ah kooxdeena – oo xagaagan funaadada darteeda u bixiyey wax kasta oo karaankooda –- in lagula kacay aflagaado midab takoor ah kadib ciyaartii caawa," ayaa lagu daabacay barta Twitter-ka ee FA-ga England.

Qoraal gooni ah ayaa lagu yiri: “FA-gu waxay si xoogan u cambaareynayaan dhamaan noocyada kala-sooca, waxaana la yaabay cunsuriyada khadka tooska ah ee lagula kacay qaar ka mid ah ciyaartoydeena England ee baraha bulshada".

Bayaanka ayaa intaas waxaa la raaciyey: "Waxaan kala cadeyn karin in qofkasta oo ka dambeeya dabeecadahan noocaan oo kale ah oo ah wax aysan soo dhaweynayn guud ahaan kooxda.

Ciyaartoyda England iyo Talyaaniga ayaa sameeyay midnimo adag oo ka dhan ah cunsuriyada kusii badaneysa wadamadda reer Galbeedka, iyagoo jilbaha dhulka dhigay ka hor kulamadooda oo ay ku jiraan finalka Axadii.

Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson, duqa caasimadda London, Sadiiq Khan iyo mas'uuliyiin kale ayaa cambaareeyay midab takoorka lagu sameeyay laacibiintan, waxaana booliska UK uu baaritaan ku sameynayaan cidda abaabushay arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM