Ciyaaryahan lagu soo tuuray muus oo si carro ah uga falceliyey

Image
Falkan ayaa dhacay kadib markii xidigan uu dhaliyey gool isla markaana uu ku hor-dabaal-degay taageereyaasha kasoo horjeeday.

PARIS, France - Ciyaaryahanka reer Brazil Richarlison de Andrade ayaa si caro leh uga jawaabay aflagaado cunsurin ah ka dib markii uu gool u dhaliyay dalkiisa ciyaar saaxiibtinimo oo ay Tunisia kula ciyaareen Paris ka hor Koobka Adduunka 2022 ee FIFA.

Richarlison ayaa looga tuuray walxo tarabuunka oo ay ku jiraan muus iyo koobo caag ah ka dib markii uu u dabaaldegay goolkii ay 5-1 kaga badiyeen Tunisia taageerayaasheeda hortiisa ciyaartii Talaadadii.

"Ilaa aan la ciqaabin dadka waxaan sameynaya, waxay ku sii socon doontaa sidan oo kale, maalin kasta iyo gees kasta. Waqti ma hadhin ninyahow!” ayuu Richarlison ku soo qoray Boortuqiis.

Xiriirka Kubadda Cagta Tuniisiya (FTF) ayaa sheegay in ay “si adag u cambaareynayaan” fal kasta oo cunsurinimo ah oo ka dhaca garoomada ciyaaraha laakiin waxa ay intaa ku dareen in aan la hubin in taageere Tuniisiya uu tuuray muuska.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Frederico Rodrigues de Paula Santos - ayaa muuska ka laaday garoonka ka hor inta aysan ilaalo dheeri ah dhigin garoonka dhinaceeda.

Sanadkii 2019, FIFA waxay soo saartay cunaqabatayn adag oo ka dhan ah midab-takoorka iyo nooc kasta oo takoorid ah maadaama ay wali tahay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee caalamiga ah ee ciyaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM