Dad ku dhintey isbuurasho ka dhacdey garoon kubada cagta

Image
Musiibadan ayaa waxay kusoo hagaagtey 7 bilood kadib markii 135 qof ay ku nafwaayeen dhacdo noocaan oo kale ah.

SAN SALVADOR, El Salvador - Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay kadib markii wax u muuqda isku dhac uu ka dhacay garoon kubada cagta oo ku yaalla dalka El Salvador, sidda saxaafada warisay.

Sidda laga soo xigtey mas'uuliyiin, qalcadda ayaa buux-dhaafiyey maadaama taageereyaal badan ay isugu soo baxeen si ay u daawadaan ciyaar qeyb ka ahayd tartan maxalli ah.

Ciyaarta ayaa la hakiyay iyadoo ciidamada gurmadka ay dadka ka daad gureeyeen garoonka, halkaasi oo ay isugu soo baxeen boqolaal ka tirsan ciidamada booliska iyo kuwa seeriga gurmadka degdega ah.

Wasiirka arrimaha gudaha ee El Salvador, Juan Carlos Bidegain, ayaa shaaciyey in dadkii ugu horreeyay ee ka jawaabayey adeegga ilaalinta rayidka ay goobta ku sugnaayeen oo ay u gurmadeen dadka ay dhibaatadu ka dhacday.

War qoraal ah oo uu soo dhigay Twitter-ka, Xiriirka Kubadda Cagta Salvadoran ayaa lagu caddeeyay in ay "aad uga xun yihiin" dhacdooyinkii ka dhacay garoonka Cuscatlan.

"Waxaan murugada la wadaagaynaa ehelada dadka ku nafwaayay dhacdadan," ayaa lagu yiri Tweet-ka, iyaga oo intaa ku daray in ururku uu si degdeg ah u codsan doono warbixin ku saabsan dhacdada.

Wasiirka caafimaadka, Francisco Alabi, ayaa shaaca ka dhigay in shabakada cisbitaalka dalka ay "siisay daryeel caafimaad dhammaan bukaanada" wixii ka dambeeyay isbuurashadii.

Musiibadan ayaa waxay kusoo hagaagtey 7 bilood kadib markii 135 qof oo ay ku jiraan in ka badan 40 caruur ah ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday magaalada Malang ee wadanka Indonesia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM