Feeryahanad Soomaali ah oo hiigsaneysa hanashada tartan caalami

Image

LONDON, United Kingdom – Ramla Cali, feeryahanad Soomaaliyeed, ayaa waxay qarka u saaran in ay wadankeeda u sameyso taariikh wayn.

Xidigtan ayaa la filayaa in ay u soo gudubto tartanka Feerka ee Tokyo,Japan, sanadka 2020-ka, taasi oo baal dahab ka gelin doonto sooyaalka Soomaaliya.

Ramla ayaa hadii ay u soo baxdo waxay noqon doontaa qofkii ugu horeeyay ee jiilkeeda ah ee baratankaasi kasoo muuqdo.

Soomaaliya ayaa kaliya laba jeer ka qaybgashay tartamada noocaasi ah oo lagu qabtay magaaladda Rio ee wadanka Brazil.

Sumcada ay Ramla sameyneyso ayaa marba marka kasii dambeysay sii kordheysa xili ay tababar ay isku diyaarineyso ku sameyneyso Ingiriiska.

UK oo ay tageen kadib markii ay ka qaxeen Soomaaliya 1991-dii ayay ku kortay, isla markaana ay wax ku baratay.

Intii ay dugsiga dhiganeysay waxay ahayd qof Buuran, balse feerka oo ay u aragtay in ay culeyska isaga dhimi karto ayay haatan ka sameyn rabtaa magac wayn.

Rajada ay ka leedahay tartanka 2020 Olympic Games ee Tokyo ayay Ramla shaacisay in ay tahay mid aad u wanaagsan.

Sikastaba ha ahaatee, Ramla ayaa horey isaga diiday in ay xerato maaliyadda dalka Britain, iyadda oo doorbiday in ay caalamka ku metasho qaranka Soomaaliyeed.

"Adeerkey oo [magaaladda] Muqdisho jooga baa I soo wacay oo iigu qanciyey in aan sidaasi sameeyo," ayay hadalkeedu raacisay.

Ugu dambeyntii, Ramla oo kalsooni wayn ka muujisay in guusha ay gaarto ay Soomaali oo idil ku farxi doonto ayaa ka codsatay Gabdha in aysan ka niyad jabin himiladooda cayaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM