FIFA oo baaraysa nin caan ah oo Koobka Adduunka taabtay

Image
Shaqsigan ayaa la sheegay in uu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino.

DOOXA, Qadar - Xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA ayaa sheegay in uu qaadayo talaabooyin habboon oo ku aaddan nin u dhashay dalka Turkiga oo caan ku ah dhanka cunto karinta oo lagu magacaabo Salt Bae, kaas oo kor u qaaday koobka dahabka ah ee adduunka, xilligii la guddoonsiinayay xulka qaranka Argentina.

Shaqsigan ayaa saaxiib dhow la ah madaxweynaha FIFA Gianni Infantino kaas oo xitaa mar la arkay isaga oo wax ka cunaya maqaayadda Bae uu Dubai ku leeyahay.

Muuqaalo aad loo baahiyay ayaa muujinayay Salt Bae oo si aan haboonayn garabka usoo qabanaya xiddiga Argentina ee Lionel Messi kadibna la galaya sawir qasab ah xilli uu Messi karaahsanayay waxa dhacaya.

Waxa aad la isu-weeydiiyay sida ninkani oo aanan wax xil ah haynin, kana mid ahayn dadka baratakool ahaan loo ogolyahay in ay tagaan masraxa lagu bixinayo koobka adduunka ay ugu suurtogashay in uu meeshaasi tago.

FIFA ayaa Koobka Adduunka ku qeexday sheey aad u qiimo badan oo kaliyana ay taaban karaan dad qaas ah sida ciyaartooydii horey ugu guuleystay, madaxweynayaasha adduunka oo keliya.

Salt Bae oo sidoo kale maqaayad ku leh magaalada Doxa ayaa ka mid ah marti sharafta FIFA, isaga oo horey bogagiisa bulshada usoo dhigayay sawirro iyo muuqaalo la xiriira koobka adduunka. Balse, falkan cusub uu ku kacay waxa uu sababay carro ay ka muujiyeen taageereyaasha kubada cagta taasoo ku qasabtey FIFA in ay baarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM