Galmudug oo tartanka ka ciribtirtay HirShabelle

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xulka kubada cagta Galmudug ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka tartanka maamulada iyo gobolka Banaadir markii ay Khamiista maanta ah 2-1 ku dubteen dhigooda HirShabelle.

Natiijadan ayaa la macno ah in maamulka xaruntiisu tahay magaaladda Jowhar uu ku haray heerka group-yadda ee koobkan isha lagu hayo.

Gobolka Banaadir ayaa horey isaga xaadiriyey wareega afar dhamaadka kadib markii uu afar dhibcood helay laba kulan uu dheelay.

Tani waxay ka dhigan tahay in Group-ka A ay kasoo wada baxeen Galmudug iyo gobolka Banaadir oo sugaya midkood – Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed – kuwaasoo kuwada jira Group-ka ugu adag oo ah B-da.

Jubaland ayaa rajadeedu aad u hooseysaa maadaama labadii kulan ee ay horey u dheeshay u shaqeysatay kaliya hal dhibcood – ciyaartii furitaanka oo Koonfur Galbeed ayaa 1-0 kaga badisay, halka dheeshii ay barbar 0-0 la dhaafi waayeen Puntland oo Jimcada beri ah fooda is-darayaan Koonfur Galbeed.

Difaacadayaasha tartanka ayaa kaliya u sii bixi kara wareega afar dhamaadka hadii Koonfur Galbeed ay Puntland ku garaacdo wax ka badan laba gool – waase saadaalin aad u adag maadaama bandhigooda uu sareeyo.

Puntland iyo Jubaland ayaa ah maamulada ku guuleystay koobka labadii sano ee la qabtay. Balse waxaa calaamad su’aal ay ka taagan tahay cidda hanan doonta xagaagan maadaama dhinac walba uu aad isu soo diyaariyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM