Garsoore shaqada looga joojiyey in uu telefoon gacanta isticmaalay

Image
Ciyaartan buuqa hareysay ayaa ka tirsaneyd horyaalka kubada cagta heerka labaad ee Masar.

QAAHIRA, Masar - Garsoore kasoo jeeda Masar oo lagu magacaabo, Maxamed Faaruuq, ayaa la ganaaxay kadib markii telefoon gacanta ah uu go'aan uga qaatay gool laga dhaliyey kulan ciyaareed.

Goolka oo ay dhalisay naadiga Al-Nasr ayaa bareejo ka dhigi lahaa kulan ay u martiyeen dhigooda Suez. Ciyaartan oo ka tirsaneyd horyaalka heerka labaad ayaa dhacdey Jimcihii hore.

Horyaalka heerka labaad ee Masar ayaan laga adeegsan muuqaal caawiyaha garsooraha ah ee VAR. Tani waxay ku qasabtey Faaruuq in uu u baahdo aalad uu ku xaqiijiyo kulan buuq uu hareeyay.

Buuqa ayaa yimid ka gadaal markii kooxda goolka laga dhaliyey ay ku doodey in banooniga lagu taabtey gacan kahor inta uusan shabaqa soo taaban ciyaaryahan ka tirsan Al-Nasr.

Kadib daawashadda muuqaalka lagu duubay telefoonka oo uu lahaa qof korjoogtada kamid ahaa, Faaruuq ayaa diidey. Balse, Xiriirka Kubadda Cagta Masar oo ka caroodey falkaas ayaa ciqaabay.

Tallaabooyinka laga qaadey Faaruuq waxaa kamid ah in shaqo joojin lagu sameeyay "muddo aan la cayin". Go'aankan waxaa iclaamiyey Vitor Pereira, madaxa guddiga garsooreyaasha Masar.

"Guddigu waxay go’aansadeen inay baaraan dhacdada markii garsoorihii ciyaarta dhex-dhexaadinayey Maxamed Faaruuq uu talefanka gacanta ku eegayey muuqaallada ciyaartu dhacaysay," ayuu xusay.

Suez ayaa dhalisay goolkeedii seddexaad wax yar ka dib goolkii laga diiday, waxaana ay ku badisay 3-1, iyadoo 15 daqiiqo oo lagu daray ciyaarta lagu daray.

Faaruuq ayaa garoonka ka baxay, iyadoo ay ilaalinayaan booliska ayna gadoodsan yihiin ciyaartoyda iyo mas’uuliyiinta Al-Nasr, kuwaasoo ku hanjabay inay tallaabo sharciga waafaqsan qaadi doonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM