Gobolka Banaadir oo hantay tartanka maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gobolka Banaadir ayaa gool-ku-laad [3-0] ku hantay tartanka maamulada kadib markii ciyaartii kama dambeysta ee Galmudug ay daqiiqadihii loogu talagalay kusoo dhamaatay 2-2.

Martigeliyeyaasha ayaa labada gool uga mahadcelinaya ciyaaryahan Nageeye, halka Galmudug ay ka heshay xidigaha Saalax iyo Muxyadiin.

Markii 90-ka daqiiqo iyo daqiiqado dheeraad ah oo dheesha lagu daray ay ku kala bixi waayeen 2-2, waxaa la isla qaadey gool-ku-laad.

Ciyaartoyda Galmudug oo tuurashada bilaabay ayaa laga qabtay saddexdii jeer ee ay rigoorada tuurteen, halka dhigooda gobolka Banaadir ay saddexda wada dhaliyeen.

Waa markii labaad oo gool-ku-laad lagu qaado koobka. Jubaland oo ku guuleysatay sanadkii labaad ee la qabtay ayaa rigooreyaal kaga faramaroojisay Puntland.

Puntland ayaa dhankeeda ah maamulkii ugu horeeyay ee ku guuleysatay koobka maamulada iyo gobolka Banaadir kaasoo sanadkii koowaad la hirgeliyey 2016-kii.

Labada xul ee dheelay fiinaalka sanadkan 2020 ayaa isku soo arkay group-ka A, waxaana ay ahaayeen dhaliyeyaasha ugu badan ee goolasha laga diiwaangeliyey tartankan sidda weyn indhaha loogu hayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM