Gobolka Banaadir oo iska xaadiriyey afar dhamaadka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xulka kubadda cagta gobolka Banaadir ayaa iska xaadiriyey afar dhamaadka tartanka kubadda cagta maamul goboleedyadda kadib markii ay Talaadada maanta ah 1-0 kaga adkaadeen HirShabelle.

Gobolka Banaadir oo haatan hogaaminaya Group-ka A ayaa leh afar dhibcood maadaama ciyaartii ugu horeysay uu barbaro 2-2 la galay xulka Galmudug, natiijadaas oo dhabaha-u-xaartey in ay wadaagaan dhibcaha.

Tani ayaa la macno ah in HirShabelle ay tahay maamulka kaliya ee ka tirsan Group-kan ee aan haysan wax dhibco ah wuxuuna kulanka soo aadan wajahayaa Galmudug, iyadda oo guuleystaha uu u gudbayo wareega xiga.

Ciyaaryahan Ayuub Maxamed ayaa gobolka Banaadir u dhaliyey goolka guusha kulankii maanta daqiiqadii 33aad ee qeybta koowaad ee kulanka.

Mudadii ay ciyaartu socotay, labadda dhinac ayaa sameeyay fursado go'aamin-karay kulanka, hase ahaatee, ugama aysan faa'ideen laacibiintooda.

HirShabelle ayaa sidoo kale waxay noqotay dowlad goboleedkii labaad ee guul daro dhabarka loo saariyey tan iyo furitaanka tartanka, waxaana ka horeeyay difaacadayaasha Jubaland oo dharbaaxo kala kulmay Koonfur Galbeed.

Qalcadda Eng Yariisow ee ku yaala degmadda Cabdicasiis oo sanadkan martigelinaya tartanka waxaa kulanka berri fooda isku-dari doona Jubaland iyo Puntland – oo ah labada maamul ee labadii sano ee u dambeeyay hantay koobkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM