Gobolka Banaadir oo ka talaabsaday Koonfur Galbeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kulankii u dhaxeeyay Gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed ee ka tirsanaa afar dhamaadka tartanka kubada cagta maamulada iyo gobolka Banaadir ayaa kusoo dhamaadey 3-1.

Natiijadan uu ku badiyey gobolka Banaadir ayaa u gudbineysa kama dambeysta ama final-ka koobka oo ay la dheelayaan Galmudug.

Gobolka Banaadir ayaa goolasha uga mahadcelinaya Ibraahim Ilyaas Macow oo daahfuray, Nageeye Deeq oo labeeyay iyo Idiris Maxamed oo goolka saddexaad shabaqa ku tolay qeybta labaad ee kulanka.

Koonfur Galbeed waxaa goolka calanka u dhaliyey Ibraahim Muxyadiin kaasoo shabaqa soo taabtey xilli xulkiisa laba gool laga dhaliyey.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa shaaciyey in final-ka la dheeli doono Arbacada soo aadan 30-ka December, sanadka 2020.

Galmudug iyo Gobolka Banaadir ayaa markii labaad isku-arkaya koobka maadaama ay ahaayeen xulalkii lagu daahfuray koobka balse markan waxaa la filayaa in uu ka xamaasad badan doono kulankooda.

Labadan xul - Galmudug iyo Gobolka Banaadir - ayaa kaalmaha sidda ay u kala horeeyaan ugu soo kala baxay kaalmaha koowaad iyo labaad ee Group-ka halkaasoo ay kusoo reebeen dhigoodda HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM