Hanaanka 4.5 oo la degay bandhiga xulka Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Xulka kubadda cagta dowladda Puntland ayaa Axadii shalay ahayd wuxuu ka haray tartanka maamul goboleedadda iyo gobolka Banaadir ah kadib markii uu khasaaro 2-1 ah kala kulmay dhigiisa Galmudug.

Kulankaas ka dhacay garoonka Injineer Yariisow ee Muqdisho ayaa ka tirsanaa heerka afar dhamaadka koobka. Natiijadaas waxay Galmudug u gudbisay kama dambeysta ama final-ka.

Puntland ayaa lumisay fursad ay markii saddexaad oo xiriir ah ku gaari lahayd final-ka maadaama ay gaartey labadii sano ee lasoo dhaafay – oo uu ku jiro sanad ay hanatay tartanka kaasoo ahaa xagaagii koowaad.

Xulka Galmudug ayaa illaa haatan ah maamulka ugu gooldhalinta badan waxayna dhamaan kulamadii la dheelay ay shabaqa gaareen todoba jeer – taasoo la macno ah in ay gool gooldhaliyeen ciyaar kasta oo ay dheeleen.

Bandhigaas wuxuu xidigaha Galmudug ka saaciday in ay kaalinta koowaad kaga soo baxaan Group-ka A oo ay ku wehliyeen martigeliyeyaasha gobolka Banaadir iyo HirShabelle oo heerka Group-yadda ku hartey.

Dhanka kale, xulka Puntland oo dhaliyey laba gool tan iyo markii tartanka bilowday ayaa kaalinta labaad ee Group-ka B kaga soo baxay – oo ay u wehliso laba dhibcood oo ay ku heleen barbaro ay la galeen Koonfur Galbeed oo koowaad kusoo baxdey iyo Jubaland oo tartanka hartey.

Hoos-u-dhaca sanadkan ee qaab ciyaareedka xulka Puntland ayaa, sidda ay wararku sheegayaan, waxaa sabab u ah ciyaartoyda lagu soo xulay habka 4.5 taasoo fursada metelaada seejisay laacibiin tayo leh.

Ciyaaryahankii Galmudug labada gool u dhaliyey kulankii afar dhamaadka ee shalay la dheelay, Maxamed Maxamuud Axmed, ayaa kasoo jeeda xarunta gobolka Bari ee Boosaaso waxaana la aaminsan yahay in uu ku haray hanaankaas ay hormuud ka ahaayeen mas'uuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta Puntland iyo Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha maamulka.

Fasal ciyaareedkii uu xulka Puntland hantay koobka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee 2016—kii waxaa la fahansan yahay in xidigaha lagu soo xulay tayadooda taasoo sababtay in ay bandhig fiican sameeyaan.

Marka la joogo kubadda cagta, muhiimad badan lama siiyo isku-dheelatirka beelaha ciyaartoyda balse waxa ugu weyn ee diiradda la saaro ayaa ah xirfadda farsamadda iyo wax-qabadka taasoo ah dhabaha kaliya ee kooxda labinta ku hesho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM