Iran oo "tooganaysa" ciyaaryahan u ololeeyay xuquuqda dumarka

Image
Amir Nasr-Azadani oo 26-sano jir ah ayaa lagu waramay in uu kamid yahay banaanbaxayaal lasoo qabtey.

TEHRAN, Iiraan - Ciyaaryahan u dhashay dalka Iran ayaa lagu soo waramayaa in uu wajahayo xukun dil ah kadib markii lagu eedeeyay in uu u ololeynayay xuquuqda haweenka dalkiisa, sidda ay qortey saxaafadda maxaliga ah.

FIFPRO, Ururka Ciyaartoyga Adduunka, ayaa Talaadada maanta ah war-saxaafadeed uus oo saarey waxa uu ka codsaday xukuumadda Tehran in ay ka noqoto ciqaabtan.

"FIFPRO waxa ay aad uga naxday wararka sheegaya in xirfadlaha kubbada cagta Amir Nasr-Azadani uu wajahayo xukun dil ah gudaha Iran ka dib markii uu u ololeeyay xuquuqda haweenka iyo xoriyada aasaasiga ah ee dalkiisa," ayay midowga ku sheegeen Twitter.

Qoraalkooda oo aad u koobnaa lana soo raaciyey sawirka xidiga ayaa la raaciyey: "Waan garab taaganahay Amiir, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah looga noqdo ciqaabtiisa".

FIFPRO oo xaruntooda ay tahay waddanka Holland waa urur caalami ah oo loogu talagalay ciyaartoyda kubbadda cagta xirfadleyda ah si ay u difaacaan xuquuqdooda.

Iran ayaa tan iyo bartamihii bishii Sebtembar waxaa ka dhacay mudaaharaadyo waaweyn kadib markii xabsi la dhigay haweeney 22 jir ah oo lagu magacaabo Mahsa Amini.

Mahsa ayaa waxaa la sheegay in ay xireen booliska akhlaaqda ee dalkaasi kadib markii lagu eedeeyay in ay ku xad gudubtay hab-dhaqanka labiska Islaamka.

Dalku waxa uu si adag ula tacaalayay mudaharaadayaasha isu-soo-baxa sameeyay waxaana la toogtay kuwa u ololeeyay xuquuqda haweenka iyo xorriyadda. Nasr-Azadani, 26, ayaa ka mid ah dadka loo xiray banaanbaxyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM