Isku aadka is-reeb reebka Champions League oo la sameeyay

Image

NYON, Swiss – Kadib xaflad lagu qabtay magaaladda Nyon ee Swizerland, waxaa la sameeyay isku aadka wareegga is-reereebka Tartanka Horyaaladda qaaradda Yurub ee UEFA Champions League.

Naadiga 13-ka jeer ku guuleystay ee Real Madrid ayaa ku aadey ku guuleysteyaasha horyaalka wadanka Ingiriiska ee Manchester City, halka Liverpool ay wajaheyso Atletico Madrid.

Juventus, kooxda haysata horyaalka Talyaaniga, ayaa la balansan dhigeeda Faransiiska ee Lyon, PSG waxay la cayaareysaa Borussia Dortmund, halka Barcelona ay gorada is-darayaan Napoli.

Kulamadda labada lugood ee bug-baxa ayaa la dheeli doonaa bilaha February iyo March ee sanadka dambe 2020.

Hoos ka daalaco isku aadka

Liverpool vs Atletico Madrid
Real Madrid vs Manchester City
Borussia Dortmund vs Paris Saint-Germain
Chelsea vs Bayern Munich
Lyon vs Juventus
Barcelona vs Napoli
Tottenham vs RB Leipzig
Atalanta vs Valencia

Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka Champions League ayaa 30-ka bisha May ee sanadka 2020-ka waxaa lagu dheeli doonaa magaaladda Turkiga ka tirsan ee Istanbul oo martigelinta ku guuleystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM

Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudurdaartey

Faaruuq Koca ayaa xabsi la dhigay markii falkan uu ku kacay wallow haatan xorriyadiisa dib u helay.

  • Cayaaro

    28-12-2023

  • 05:25AM