Khilaaf ka taagan doorashada xiriirka kubada cagta Soomaaliya

Image
Doorashada waxaa lagu wadaa in ay dhacdo 28-da bishan Diseembar, muddo xileedkuna waa 4 sano oo la cusboonaysiin karo 2 xilli oo kale.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashada xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa dhowaan shaaciyay in hal musharax oo kaliya uu buuxiyay shuruudihii FIFA u dhigtay doorashada hoggaanka sare ee xiriirka, qofkaasi uu yahay Cali Shiine oo hadda ah madaxweynaha xiriirka.

Kadib khilaaf muddo dheer ragaadiyay xiriirka ayay FIFA gebi ahaanba dib u habayn ku samaysay qab dhismeedka xiriirka, waxaana la ogolaaday in wixii hadda ka dambeeya uu awoodda oo dhan leeyahay madaxweynaha la doorto ee xiriirka, isagana soo xulanayo 10-ka qof ee la shaqayn doonta, oo uu ku jiro qofka qabanaya xilka Xoghayaha Guud oo markii hore ahaa boos aad u awood badan.

Waxaa arjiga musharaxnimada soo gudbistay labo musharax oo kala ahaa Cali Shiine iyo Xasan Xaaji Yabaroow Wiish, balse waxaa kaliya gudbay Cali Shiine, sidda ay guddiga sheegeen.

Sababta ayaa lagu sheegay in Xasan Wiish ay shuruudaha buuxin waayeen 4 ka mid ah tobonkii xubnood ee uu liiskooda gudbiyay, maadaamaa madaxweynaha laga rabo in uu si hordhac ah u gudbiyo 10-ka qof ee la shaqaynaya, kuwaas oo ay tahay in ay waafaqaan shuruudo loo dhigay.

Yaa codka dhiibanaya?

Waxaa codka dhiibanaysa ergo ka kooban 46 qof, kuwaas oo 25 ka mid ah ay metelayaan naadiyadda kubadda cagta ee Muqdisho ka dhisan, iyo 15 qof oo ka socda xiriirada dowlad goboleedyada oo min 3 qof soo dirsaday, iyo 6 qof oo metelaya ururada Danaha Gaarka ah sida Ururka Garsoorayaasha.

Doorashada waxaa lagu wadaa in ay dhacdo 28-da bishan Diseembar, muddo xileedkuna waa 4 sano oo la cusboonaysiin karo 2 xilli oo kale, taas oo ka dhigan in qofka uu madaxnimada xiriirka hayn karo 12 sano haddii muddo xilleed kasta uu guuleysto.

Wasaaradda cayaaraha xukuumadda federaalka oo soo faragelisay khilaafkan taagan ayaa ka digtey in la qabto doorasho hal dhinac ah iyadda oo ku baaqdey qabashadda doorasho loo siman yahay.

Hase ahaatee, garabka taageersan Cali Shiine ayaa hadalka wasaaradda waxay ku sifeeyeen "sharci darro ah maadaama xiriirka kubada cagta uu ka madax-banaan yahay hay'adaha dowliga ah".

Waa kuma Cali Shiine?

Cali Shiine waa korneel hore oo ciidanka booliiska Soomaaliya ka tirsanaan jirey ka hor inta uusan ku biirin xiriirka kubadda cagta Soomaaliya kadib markii uu dhaxlay booskii guddoomiye ku xigeenka xiriirka oo uu ka dhintay Siciid Mugambe.

Siciid Mugambe ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii isboortiga Soomaaliya ee lagu diley qarixii Tiyaatarka Qaranka ee dhacay 2012-kii. Weerarkaas ayaa sidoo kale waxa uu galaaftey xubno kale oo sar-sarre.

Muddo 10 sano ah ayuu Cali xiriirka kasoo tirsanaa, isaga oo 8 ka mid ah ahaa madaxda xiriirka, taasi oo siisay waayo aragnimadii shaqada iyo sidoo kale shuruudihii looga baahnaa qofka isu taagaya madaxtinimada xiriirka.

Sanadihii dambe waxa ay is hayeen xoghayihii guud ee xiriirka Cabdiqani Carab oo markii dambe codeyn uu guddiga xiriirka sameeyay xilka looga qaaday. Go’aankaas waxaa ansixiyey xiriirka FIFA. Carab ayaa ogolaadey go'aanka hay'adda kubada cagta aduunka wallow isku-dayay in uu diido.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM