Kobe Bryant: Waa kuma ciyaaryahanka ku dhintay shilka diyaaradeed?

Image

WASHINGTON, US – Kobe Bryant, mid kamid ah xidigihii ugu wanaagsanaa taariikhda kubada koleyga dalka Mareykanka, ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed, sidda ay xaqiijiyeen ehelkiisa.

Burburka diyaaradda, oo ah nooca qumaatiga u kacda, ayaa 26-kii Janaayo, 2020, ka dhacday Calabasas, oo ka tirsan California. Geerida lama filaanka ah ee Kobe ayaa gilgishay dunida.

Sideed kale oo la saarnaa diyaarada burburtay oo ay ku jirto gabar uu dhalay ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen dhacdada. Baaris ayaa ku socota sababta keentay shilka.

Waa kuma Kobe Bryant?

Ciyaaryahankaan ku dhintay 41-jir ayaa xirfada kolleyga ku dhex-jiray 20-sano. Naadiga Los Angles Lakers oo uu ku biiray isagoo 18-jir ah ayuu badi waayihiisa ku qaatay.

Horyaalka ugu sareeya kolleyga aduunka ee loogu yeero NBA oo uu si toos ah kaga biiray dugsiga sarre ayaa ku guuleystay shan jeer, isagoo ka tirsan Los Angles Lakers.

Sanadkii 2016-kii ayuu soo afjaray ku dhex-jirkiisa garoomada. Go'aankaas oo aysan jeclaysan taageereyaashiisa wuxuu ku qeexay mid shaqsi.

Rug-cadaagan lagu xasuusto in uu aad ugu fiicnaa shiishka shabaqa ayaa ifka kaga tegay hal xaas iyo saddex caruur ah, oo dhamaantooda gabdho ah.

Sidda ku xusan qiimeyntii u dambeysay ee la sameeyay, hantidiisa waxay gaareysaa aduun lacageed 500 milyan oo Doolarka Mareykanka ah.

Sikastaba, kooxdiisii hore, taageereyaashiisa iyo asxaabtiisa oo fariin tacsi tiiraanyo leh hawada u mariyey qoyska Kobe ayaa u rajeeyay wanaag. Munaasabado loogu duceynayo ayaa bilowday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM