Koonfur Galbeed oo ka adkaatay Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xulka kubadda cagta Koonfur Galbeed ayaa 1-0 kaga adkaaday Jubaland kulanka labaad ee tartanka maamulada iyo gobolka Banaadir oo Isniinta maanta ah lagu dheelay Eng Yariisow Stadium.

Difaacadayaasha sanadkan ee tartankan xiisaha badan waxaa goolka looga badiyey ka dhaliyey ciyaaryahan Cusmaan Bashiir daqiiqadii 21aad ee qeybta koowaad ee ciyaartan daqiiqadihii loo qorsheeyay la dheelay.

Labadan maamul goboleed ayaa kuwada jira Group-ka B, waxaana ku wehliya dowladda Puntland oo Arbacada soo aadan la balansan Jubaland.

Intii uu kulanku socday, Jubaland ayaa ka faa'iideysan weyday fursad dahabi ah oo soo martay markii ay iska qasaarisay gool-ku-laad ama rigoore ay heshay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo ka falceliyey guusha uu gaarey xulkiisa, ayaa fariin uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay Facebook wuxuu ku muujiyey sidda uu ugu faraxsan-yahay.

"Hambalyo Xulka Kubada Cagta koonfurgalbeed oo ka guulaystay xulka Jubaland. Guusha aad gaarteen waa guul weyn oo usoo wada hoyatay dhammaan Ummadda Koonfurgalbeed," ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Natiijadan ayaa la macno ah in Koonfur Galbeed ay noqoneyso maamulkii ugu horeeyay ee guul gaara tan iyo furitaanka tartanka isla markaana hela saddexda dhibcood – Galmudug iyo gobolka Banaadir oo shalay dheelay waxay ku kala baxeen barbar-dhac goolal gaaraya laba iyo laba [2-2].

Kulanka loo madalsan yahay in uu qabsoomo maalinta berri oo Talaado ah ayaa waxaa lagu waddaa in uu dhexmaro laacibiinta kala metelaya maamulka HirShabelle iyo gobolka Banaadir kuwaasoo kuwada jirta Group-ka A.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM