Koox kubadda cagta ah iyo Jilaa oo cambaareeyay weerarkii Muqdisho

Image

ROMA, Italy – Kooxda kubadda cagta AS Roma ee ka cayaarta horyaalka heerka koowaad ee Talyaaniga ayaa cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee naadigan ayaa lagu sheegay in ay tacsi u direyso eheladda dadkooda ku waayey "falkaas argagixiso".

"Qof walba oo ka tirsan AS Roma wuxuu garab taagan yahay dadka uu saameyay weerarka argagixiso ee ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya," ayaa lagu yiri fariinta.

AS Roma oo shaxda kala sareynta horyaalka Talyaaniga ee loo yaqaano Serie A kaga jirta kaalinta afaraad ayaa leh 35-dhibcood.

Dhinaca kale, Fakhar-e-Alam, oo ah Jilaa u dhashay Pakistan, oo ka murugoodey qaraxan ardayda badan lagu dilay ayaa soo jeediyey in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah "argagixisadda".

"Ku dhowaad 100 u badan arday ayaa lagu dilay Soomaaliya. Mustaqbalka adduunkeena waxaa weerar ku ah aragtiyo lagu muransan yahay oo xoojinaya caradda iyo naceybka," ayuu kusoo qoray baraha bulshada.

Fakhar-e-Alam ayaa raaciyey: "Argagixisadda waa khatar caalami ah, waanna nagu waajib in aan sameynayno wax kasta oo aan awoodno si aan ula dagaalanno. Waan in ayno badbaadinaa caruurteenna".

Weerarkii Ex-kontarool Afgooye oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyey walxo qarxa ayaa lagu khaarijiyey 100 qof, taasoo ka dhigeysa dhacdadii saddexaad ugu dhimashada badneyd ee taariikhda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM