Kulankii Galmudug iyo gobolka Banaadir oo dib loo dhigay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaarada Cayaaraha Soomalaiya, maamulka gobolka Banaadir, taliska bileyska iyo xiriirka kubada cagta ayaa isla gartey in Khamiista berri ah la cayaaro kama dambeysta tartanka kubada maamulada iyo gobolka Banaadir.

Cayaartaan oo Arbacada maanta ah kuwada balansanaayeen Galmudug v Gobolka Banaadir ayaa loo baajiyey sababo lala xiriiriyey "waxyeelo soo gaarey shabaqyada garoonka Eng Yariisow".

Burburka shabaqyadda ayaa lagu waramay in ay ka dhasheen rabshado ka dhacay garoonka kadib kulankii gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed taasoo kusoo dhamaatay 3-1.

Laacibiinta Koonfur Galbeed oo kaalinta saddexaad kula tartami doona Puntland ayaa weerar loo adeegsaday dhegxaan la kulmay kadib kulanka waxaana ku dhaawacmay halkaa saddex ciyaaryahan.

Wasaaradda Cayaaraha Koonfur Galbeed ayaa ku goodisay in aysan kasoo qeybgeli doonin tartanka hadii aan looga jawaabi su'aallaha ku geedaaman weerarkaas.

Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo ka falceliyey dib-u-dhaca kulanka maanta ay la dheelayaan gobolka Banaadir ayaa Facebook kusoo qoray in aan lagala tashan dib-u-dhaca kulanka.

"Maantay cayaartii kama danbaysta aheyd ee xulalka Galmudug iyo Banaadir dhexmari laheyd yaa noo fasiri kara sababta dib loogu dhigey? Yaase lahaa awoodda dib u dhigista? Xiriirka kubadda cagtu waa in uu jawaab u helaa arrinkaan!.! Koobka caaway waxaa laga sugayey caasimadda Galmudug, dib u dhac intaa ka badan lama aqbali karo iyo wararka kale ee la sheegayo!," ayuu yiri.

Senator Ilyaas Cali Xasan oo kamid ah Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabay dhawaqa kasoo yeeray wasiir Fiqi.

"Horta dhinac marka laga ego waa wax fiican marka aad aragto Reer Mudug oo Banooni udoodaayo laakiin dhinac kaleed nimankii dhagax iyo qoryo San iska gelis iskugu darey Kooxdii KG waa yihiin wax lagu eedeeyo Musuq iyo wax kabadanba! Sxbkey Ahmed Moallim Fiqi wuxuu iisheegey in ay kusoo tala galeen iyagu, marka idinka leey-waaye," ayuu Facebook kusoo qoray.

Kulan ciyaareedka Galmudug v Gobolka Banaadir oo si weyn isha loogu hayo ayaa laga cabsi qabaa in ay soo buux-dhaafiyaan taageereyaal badan isla markaana garoonku qaadi waayey iyadda oo Stdium Muqdisho loo aadi karin sababo ammaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM

Madaxwayne feeray garsoore kubada cagta ah oo cudurdaartey

Faaruuq Koca ayaa xabsi la dhigay markii falkan uu ku kacay wallow haatan xorriyadiisa dib u helay.

  • Cayaaro

    28-12-2023

  • 05:25AM