Kumuu ahaa goolhayihii Puntland kusii jeeday ee Masjidka lagu dhex-dilay?

Image

GAROWE, Puntland – Goolhayihii hore ee xulka qaranka Soomaaliya, Cabdiwali Colaad Qanyare [Gaatamow], ayaa xalay lagu dhex-dilay gudaha Masjid ku yaala degmada Afgooye, gobolka Shabeellaha Hoose.

Dableyda dishay marxuumka, oo ahaa 39-sano jir haystay shahaadaha heerka labaad ee macalinimadda cayaaraha, ayaa ka baxsaday goobta, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan oo la hadlay GO.

Xiriirka kubadda cagta oo tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo asxaabta Gaatamow ayaa ku tilmaamay "halyeey hami sarre lahaa".

"Waan tabi doonaa," ayuu yiri Cabdiqani Saciid Carab, madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta, oo war-saxaafadeed soo saarey.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda dilka ayaa qiil ka dhigtay "in uu ahaa mas'uul ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya".

Kumuu ahaa Gaatamow?

Cabdiwali Colaad Qanyare oo ahaa tababare goolhayeyaasha ayaa ahaa Gudoomiyaha Isboortiga degmadda Afgooye. Wuxuu ahaa qaban-qaabiyaha tartanka kubadda cagta bisha Ramadan ee socda.

Markii ugu dambeysay, wuxuu macalin u ahaa goolhayayaasha naadiga Mogadishu City oo kamid ah kooxaha waddanka ka jira.

Horey wuxuu ugu soo dheelay naadiyadda kala ah; MCC, Horseed oo Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ah, Bariga Dhexe iyo xulka qaranka.

Sidda laga soo xigtay xiriirka kubadda cagta, Gaatamow ayaa la beegsaday isagoo kasoo baxaya Masjidka kadib Salaada Taraawiixda.

Bahda Isboortiga oo tibaaxay in ay ka murugoodeen geerida Gaatamow ayaa ku sifeeyay in uu "laf-dhabar u ahaa cayaaraha dalka".

Socdaalkiisa Puntland

Cali Cabdi Maxamed, madaxweyne ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, ayaa naxariista ALLE u rajeeyay marxuumka.

Cabdullaahi Sheekh Nuur, oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta, ayaa u sheegay majaladda ESPN in isaga iyo Gaatamow ay qorsheynayeen in ay socdaal ku tagaan Puntland marka dunida laga ciribtiro safmarka Covid-19.

"Waxa uu ahaa macalin si wanaagsan u diyaarsan oo karti aad u sareysa oo dhanka waxbarista ah," ayuu Nuur ka dhawaajiyey.

Wuxuu raaciyey: "Howlgalkeena xiga wuxuu ahaa in aan koorsooyin horumarin ah kusoo bixino gudaha Puntland marka go'doonka Covid-19 uu soo idlaado, balse waan ka xumahay waan u xiisi doonaa isaga".

Sikastaba, Gaatamow, oo sidoo kale xubin ka ahaa wafdiga Soomaaliya ku metela tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA Cup, ayaa cayaaraha kubadda cagta ka fadhiistay sanadka markii uu ahaa 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM