Lacagta Argentina helayso kadib hanashadda Koobka Aduunka

Image
Faransiiska oo kaalinta labaad galay ayaa sidoo kale waxaa la siin doonaa kharash aad u badan.

DOOXA, Qadar - Xulka ku guuleystay koobka adduunka ee Argentina ayaa heli doonta aduun lacag dhan $42 milyan oo abaalmarin ah waxanaa bixin doona xiriirka kubada cagta dunida.

Dalka laga badiyey finalka Axaddii ee Faransiiska ayaa heli doona 30 milyan oo doolar waxaana ay ka helayaan sanduuqa abaalmarinta hay'adda maamusha kubada cagta aduunka ee FIFA.

Markii uu France ku guuleystay Koobka Adduunka 2018, xiriirka waddanku wuxuu $38 milyan ka helay sanduuqa abaalmarinta FIFA maadaama miisaaniyadda dhan ay ahayd $400 milyan.

Lacagaha oo dhan ma wada helayaan ciyaartoyda, laakiin waxaa la filayaa inay si fiican u helaan. Ciyaartoyda France sida Kylian Mbappé ayaa waayey fursad uu ku heli lahaa gunno dhan 554,000 euros ($586,000), sidda laga soo xigtey L'Equipe.

Xiriir kasta oo heer qaran ah wuxuu helayaa ugu yaraan $9 milyan oo abaalmarin ah sababo ku aadan in uu ka qeybgalay Koobka Adduunka ee sanadkan. Intaas waxaa u dheer $1.5 milyan midkiiba loo siiyey u diyaargarowga tartanka.

Kooxda kaalinta saddexaad ku jirta ee Croatia ayaa heshay 27 milyan oo doolar oo abaalmarin ah. Marooko, oo ku dhameysatay kaalinta afaraad, waxaa la siin doonaa 25 milyan oo dollar.

Dakhliga FIFA ee afartii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa $7.5 bilyan, iyadoo inta badan laga helay heshiisyo baahinta iyo kafaala-qaadka, oo lagu daray tigidhada iyo macaashka martigelinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM