Mas'uul ka tirsanaa Xiriirka Koleyga Soomaaliya oo u dhintay Covid-19

Image

LONDON, UK – Bana Cali oo kamid ahaa bahda Isboortiga ee Soomaaliya ayaa magaala madaxda wadanka Ingiriiska ee London ugu dhintay xaalado la xiriira fayruska safmarka ah ee Corona.

Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyey in todobaadyaddii lasoo dhaafay uu Isbitaal u jiifay caabuqa dilaaga ah isla markaana uu la il-darnaa xanuuno kale.

Laacibkaan ku caan baxay ciyaarta gacanta ama loo yaqaano koleyga ayaa markii ugu dambeysay wuxuu ahaa madaxa xiriirka arrimaha dibadda ee xiriirka Basketball-ka ee Soomaaliyeed.

Marxuumka oo tacsi kala duwan oo tiiraanyo leh loo diray qoyskiisa iyo asxaabtiisa ayaa qorshuhu yahay in la aaso todobaadkan aynu ku jirno.

Alle ha u naxariistee, Bana Cali ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa "madaale safaro kala duwan ugu galay dunida dacaladeeda siddii uu u horumarin lahaa Isboortiga Soomaaliyeed".

Tobanaan Soomaali ah oo ay ku jiraan shaqsiyaad caan ah ayaa gudaha boqortooyadda UK ugu geeriyooday xanuunkaas aadka halista u ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadamada laga helay cudurka ayaa lagu eedeeyay in aysan u dhega-nuglaan fariimaha caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta, waana sababta badisay geerida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM