Maxaa soo dedejiyay ka tagida Leo Messi ee kooxda Barcelona?

Image
Messi ayaa noqday mid xor ah 1-dii July kadib markii heshiiskiisii ​​hore uu dhacay 30-kii June. [Photo: Getty Images]

MADRID, Spain - Lionel Messi ayaa ka tagi doona Barcelona inkastoo labada dhinac ay heshiis ka gaareen qandaraas cusub, sida ay Khamiistii shaaca ka dhigtay kooxda ka ciyaarta horyaalka heerka koowaad ee La Liga, iyagoo sabab uga dhigay "caqabado dhaqaale iyo qaab dhismeed hortaagan cusboonaysiinta heshiiska".

"In kasta oo heshiis ay gaareen FC Barcelona iyo Leo Messi haddana ma noqon karo mid rasmi ah sababo la xiriira caqabado dhaqaale iyo qaab dhismeed,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kooxda.

Messi ayaa noqday mid xor ah 1-dii July kadib markii heshiiskiisii ​​hore uu dhacay 30-kii June, Paris Saint-Germain ayaana haatan hogaamineysa loolanka saxiixa weeraryahanka.

Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, ayaa sheegay in xeerka dhaqaale wanaagga La Liga uu ka hor istaagay kooxda inay Messi u soo bandhigto qandaraas cusub, inkasta oo uu weeraryahanku doonayay inuu sii joogo Nou Camp.

Messi ayaa aqbalay heshiis kordhin shan sano ah oo lagu dhimayo mushaharkiisa boqolkiiba 50, laakiin kooxda waxay xustey in labada dhinac ay ku guuldareysteen inay heshiis gaaraan sababtoo ah "caqabado dhaqaale iyo qaab dhismeed oo hor istaagay in dalabka la fuliyo".

Ku biirista PSG waxay la mideyn doontaa saaxiibkiisii ​​hore Neymar, waana rajada ah inay mar kale u tartamaan koobab, iyo inuu qayb ka noqdo mashruuc cusub oo ka socda Parc des Princes oo uu maamulo Mauricio Pochettino.

PSG ayaa "horumar ka samaynaysa wadahadalada ay kula soo saxiixanayso Messi, waxay rumaysan tahay inay haysato fursad wanaagsan oo ay ku dhammaystiri karto heshiiska isla markaana ay awood u yeelan karto inay la soo wareegto iyada oo aan jabin xeerarka dhaqaale wanaagga".

Sida ay warisay majaladda Sky Sport News, PSG ayaa waxay horay ula soo saxiixdeen ciyaaryahanadda Gianluigi Donnarumma, Sergio Ramos iyo Georginio Wijnaldum.

Messi ayaa lix jeer ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan aduunka ee Ballon d’Or waana xiddiga ugu goolasha badan Barcelona isagoo dhaliyay 672 gool, 778 kulan oo uu saftay.

Xiddiga reer Argentina ayaa ku guuleystay 35 horyaal oo waaweyn heer kooxeed tan iyo markii uu kulankiisii ​​ugu horreeyey u saftay 2003 - 10 horyaal oo La Liga ah, afar horyaal oo Champions League ah, toddoba koob oo Copa del Rey ah, saddex koob oo Club World ah, saddex European Super Cups iyo sideed Spanish Super Cups.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM