Maxay tahay sababta in ka badan laba bilood uu u xiran yahay Ronaldinho?

Image

ASUNCIÓN, Paraguay – Halyeeyga kubadda cagta iyo xulka qaranka Brazil ee Ronaldinho ayaa in ka badan laba bilood u xiran dowladda Paraguay. 4-tii bishii Maaj ayaa xabsi guri la dhigay isaga iyo walaalkiis.

Ciyaaryahankii hore ee Barcelona, AC Milan iyo Paris Saint-Germain iyo walaalkiisa ayaa lagu waramay in loo haysto eedeymo ku saabsan in ay ku socdaalayeen Baasaboor lagu sheegay been abuur.

Ku guuleystihii abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan aduunka Ballon d'Or ee 2005-tii ayaa ku jira hotelka Palmaroga ee ku yaala magaaladda caasimadda ah ee Asuncion.

Dacwad-oogeyaasha ayaa la siiyey lix bilood si ay uga soo gungaaraan kiiskan. Hadii dambiga lagu helo waxay wajihi karaa shan sano oo xabsi ah. Baareyaasha waxay baadigoobayaan lix kale oo la tuhunsan yahay.

Ronaldinho ayaa codsaday in lagu sii daayo daamanad lacageed oo dhan $1.6 milyan. Illaa iyo haatan, ma cadda in laga diidey ama laga ogolaadey.

Wakaaladda AFP ayaa xiriirka kubadda cagta Paraguay kasoo xigatay in aysan ku qanacsaneyn qaabka loola dhaqmayo xiddigan. "Inkasta oo uu ku jiro meel raaxo leh, waa cadaalad darro in uu xiran yahay".

Qareenadiisa oo sheegay in ay falcelintooda la sugayaan gabagabada baaritaanka ayaa rajeeyay in loo ogolaan doono in eedeysaneyaasha ay dib ula midoobaan qoysaskooda kuna laabtaan guriyahooda.

Mid kamid ah ciyaaryahanadii ugu fiicnaa ee soo mara dunida, Ronaldinho, ayaa xaqiijiyey in ay sumcadiisa hoos u dhacday "markii xorriyada laga qaadey".

Sikastaba ha ahaatee, Ronaldinho oo sheegay in dukumiintiyadda ay safarka kusoo galeen isaga iyo walaalkiis Robert ay soo siisay hay’ad samafal si ay ugu gargaaraan caruur badan oo ku dhaqan waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM