Lional Messi iyo Mbappe oo gaaray heerkii Maradona iyo Pele

Image
Todobaadkii hore, mucjisooyinka kubbadda cagta adduunka ayaa lagu soo bandhigay garoomada dalka Carbeed ee Qatar.

DOOXA, Qadar - Wuxuu ahaa todobaad mucjisooyinka kubbadda cagta adduunka lagu soo bandhigay garoomada dalka Carbeed ee Qatar oo martigalanaya koobka adduunka.

Cid kasta waxa ay isha ku haysay ciyaaryahano kooban, kuwaas oo laftooda uu ka dhaxeeyo xifaaltan, sidoo kalane uu kala dhaxeeyo ciyaaryahano iyaga ka horeeyay oo taariikh dhigay.

Lionel Messi ayaa xulkiisa Argentine ee Latin America kasoo saaray murugadii iyo hubanti la’aantii ku xeerneyd kadib markii uu gool taariikhda galay kala hormaray xulka Mexico, wuxuuna goolkaasi horseeday in Argentine ay badisay ciyaartaasi, sidaasna ugu gudubtay wareegyada kale ee koobka adduunka.

Messi ayaa galay kaalinta labaad marka lala barbardhigo Diego Maradona, xiddigii Argentine ee taariikhda galay. Waxa uu Messi marayaa 8 gool oo uu koob adduun ka dhaliyay, iyada oo ay xiiso leedahay in 6 ka mid ah uu ku dhaliyay lugta bidix.

Leo Messi oo uu xifaaltan kala dhaxeeyo xiddiga Boortaqiiska Ronaldo ayaa sidoo kale haysta diiwaanka 6 gool oo uu isaga caawiyay, wuxuuna noqonayaa ciyaaryahanka goolashii ugu badnaa caawiyay ee koobka adduunka tan iyo sanaddii 1966-dii.

Ciyaaryahanka lagu magacaabo Kylian Mbappe ayaa isna taariikh ka dhigay Koobka Adduunka, wuxuuna xulkiisa Faransiiska ka caawiyay in ay u gudbaan wareegga 16-ka kooxood, isaga oo hadda haysta diiwaanka 6 gool oo uu Koob Adduun ka dhaliyay, waxaana lala barbar dhigay ciyaaryahankii reer Brazil ee Pelle.

Waxyaabaha sida weyn warbaahinta adduunka u hadal haysay ayaa ahayd in Mbappe uu xitaa ka sare maray diiwaankii Thiery Henry oo mar ahaa ninka labaad ugu goolasha badan Faransiiska, waxaana xusid mudan in Mbappe uu ku dayan jirey Henry, iyada oo lasoo bandhigay sawir ay ku wada jireen isaga oo aad u yar.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isha lagu hayn doonaa ciyaaryahanada kale iyo labadanba waxa ay sameeyaan inta ka hartay koobka adduunka oo dhamaanaya bisha soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM