Xulka Sucuudiga oo guul naadir ah ka gaaray Koobka Adduunka

Image

DOHA, Qadar - Xulka Sucuudiga ayaa ku durduriyay xulka dalka Argentine oo si weyn looga baqayay markii hore.

Ciyaartii maanta dhacday oo u dhaxaysay Sucuudiga iyo Argentina oo ku wada jira kooxda C ayaa u dhacday si ka yaabisay adduunka oo dhan kadib markii Sucuudiga uu 2:1 ku direy xulka Argentina.

Xulka Sucuudiga ayaa iska meeray foorqadii iyo dhegohadalkii ku socday 24-kii saac ee lasoo dhaafay, iyada oo dadka qaar ee Baraha Bulshada isticmaala ay xulka Sucuudiga kula talinayeen in ay ka dhuuntaan ciyaartan si ay uga badbaadaan ceeb iyo fadeexad maadaamaa Argentine la saadaalinayay in ay kaga badiso goolal badan.

Biloowgii Koobka ayaa sidoo kale dad badan oo dunida kubbadda cagta ay ku maadsadeen xulka Sucuudiga kadib markii ay soo galeen sawir ay wada xiranyihiin qamiisyo.

Marka laga tago goolasha ay dhaliyeen xulka Sucuudiga, waxaa aad loo amaanay gool hayahooda Maxamed Calaweys oo marar badbaadiyay fursado badan oo goolal ahaan lahaa oo ay xulka Argentine isugu dayeen.

Markii ay ciyaarta maraysay daqiiqadda 90aad ayuu Goolhaye Maxamed si layaab leh u badbaadiyay gool, iskasta oo sidoo kale ciyaartooy kale oo isla xulkan ah uu teesto ku badbaadiyay kubadda oo soo dhaaftay gool hayaha. Goolhayaha ayaa la siiyay kaarka jaalaha kadib markii ay murmeen garsooraha.

Dad badan waxa ay qabaan in xulka Sucuudiga ay iska mayreen ceebtii iyo fadeexaddii ay caanka ku noqdeen ee guuldarada ciyaaraha, xitaa haddii aysan horumar badan ka samaynin Koobka Adduunka wixii maanta ka dambeeya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM