Ronaldo oo raaligelin ka bixiyey fal caro dhaliyey uu ku kacay

Image
Bandhig xumada kooxda ayaa ceeldheer kusii riday rajadii ay ka lahaayeen in ay boos ka helaan afarta sare.

LONDON, UK - Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa raaligelin bixiyay ka dib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya isaga oo jabinaya taleefoon uu leeyahay mid ka mid ah jamaahiirta kooxda.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa lagu faafiyay baraha bulshada iyadoo ay barbar socdeen faallooyin sheegaya in uu jebiyey taleefanka markii uu ka baxayay garoonka ka dib guuldaradii 1-0 ee kooxdiisa ka soo gaartay Everton.

Ronaldo oo 37 jir ah ayaa markii dambe ka soo jawaabay isagoona sheegay inuu ka xun yahay falkii uu ku kacay. “Ma fududa in la xakameeyo shucuurta marka ay xaaladuhu adag yihiin, sida aan hadda anaga ku jirno cml,” ayuu yiri.

Natiijadu waxay dhaawacday rajadii Man United ee u soo bixida Champions Leaque-ga waxayna ka hortimid kooxda Everton taas oo hal dhibic ka sareysay qadka gaduudan ee u laabashada heerka labaad ka hor intii ayna bilaaban ciyaarta.

“Si kastaba ha ahaatee, mar walba waa inaan ixtiraamnaa, oo aan u dulqaadnaa tusaalana u noqonaa dhammaan da’yarta jecel ciyaaraha quruxda badan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

"Waxaan jeclaan lahaa in aan raaligelin ka bixiyo xanaaqeyga, haddii ay suurtagal tahayna, waxaan jeclaan lahaa inaan ku casuumo taageerahan inuu daawado ciyaar ka dhici doonta Old Trafford taas oo calaamad u ahaan doonto ciyaar wanaag iyo ixtiraam."

Manchester United ayaa sheegtay in ay ka war hayeen "dhacdada la sheegay in ay dhacday ka dib kulankii Everton, kooxduna ay diyaar la tahay wax kasta oo booliska weydiiyo".

Kooxda Manchester United ayaa hal guul kala soo hoyatay todobadii kulan ee u danbeysay, waxaana laga badiyay saddex kulan halka saddexda kalena ay barbarro galeen.

Bandhig xumada kooxda ayaa ceeldheer kusii riday rajadii ay ka lahaayeen in ay boos ka helaan afarta sare ee ciyaari doona koobka Champions League-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM