Sacuudiga oo "xayiray" tabinta tooska Koobka Aduunka ee Qadar

Image
Xukuumadda Riyadh ayaan wali sharaxaad ka bixin talaabadan, halka shirkadda BeIN ay diiday inay ka hadasho.

DOOXA, Qadar - Goobta sida rasmiga ah looga daawan karay ciyaaraha Koobka Adduunka ayaa u muuqata mid la xannibay gudaha Sacuudiga iyada oo boqortooyada aysan wali sharaxin, sidda ay macaamiisha u sheegeen wakaalada AFP.

Madashan oo lagu magacaabo Tod TV waxaa iska leh Telefishinka Qatar ee beIN Media Group, kaasoo laga mamnuucay Sacuudiga dhowr sano kahor kadib markii isku dhaceen labada dal, balse dib loo soo celiyay October 2021.

Dowladda Sacuudiga kama aysan jawaabin codsi ku saabsan carqaladeynta kadib xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen warbaahinta caalamka, halka BeIN ay diiday inay ka hadasho.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, oo 37-jir ah, ayaa abaabulay go'doominta Qatar ee gobolka laga billaabo bishii June 2017-kii, isla bishaas oo uu noqday kii ugu horreeyay ee lagu qabto Boqortooyada.

Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa xiriirka u jaray Doha, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto kooxaha xagjirka ah, ayna aad ugu dhowdahay Iran oo ay xafiiltamaan.

Eedeymaha waxaa gaashaanka ku dhuftey xukuumadda Doha oo ku tilmaamtey kuwa siyaasadeysan. Intii lagu guda jiray go'doominta, beIN Media Group waxaa laga mamnuucay Sacuudiga.

Laakiin Riyadh ayaa ku dhawaaqday bishii Oktoobar ee la soo dhaafay inay qaaday xayiraadda, taasoo u fududaysay inay la wareegto kooxda kubbadda cagta England ee Newcastle United oo ay la wareegeen isbahaysi uu Sucuudigu taageero.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM