Soomaali dhacdo dhif ah ka sameysay Olombikada dunida

Image
Cabdi Nageeye iyo Bashiir Cabdi oo kala matalayay Holland iyo Belgium ayaa qabsadey indhaha caalamka. [Photo: Internet]

LONDON, Britain – Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadalhaysa laba orodyahan Soomaali ah kuwaasoo dhacdo cajiib lama filaannna ah ka sameeyay tartanka orodka ee ka soconaya magaaladda Tokyo ee dalka Japan.

Dhacdada ay sameeyeen Cabdi Nageeye iyo Bashiir Cabdi oo soojiidatay indhaha caalamka ayaa ah in ay xifaaltanka ka horeysiiyeen saaxiibtinimada taasoo ay ku galeen kaalmaha labaad iyo saddexaad ee tartanka.

Nageeye ayay muuqaaladda qabteen isaga oo saaxiibkiis Cabdi ku dhiiragelinaya in uu awood badan is-geliyo isla markaana uu kusoo biiro safka hore ee tartanka orodka oo uu kaga horeeyay Lawrence Cherono oo Kenyaan ah.

Kaalinta koowaad ee dahabka waxaa qaatay Eliud Kipchoge oo u dhashay Kenya, halka Nageeye uu qaatay qalinka oo labaad ah, Cabdina macdanka oo saddexaad ah. Orodka ay ku tartamayeen wuxuu ahaa kan 42-da kilomitir ah.

Iyadoo falka ay sameeyeen ay Nageeye ayaa yiri "800-kii mitir ee ugu dambeeyay waxaan doonayay inaan horey u socdo, balse waxaan ka fikiray Bashiir waxaana jeclaa in uu isoo dhawaado".

"Markaa waxaan isku dayayay inaan caawiyo wuxuu ahaa mid aad u daalay. Kadibna markii aan hubiyey in uu isoo dhawaaday waxaan iri horey u socda," ayu uku daray.

Isaga oo dhoolacaddeynaya ayuu intaas ku daray: "Intaas kadib waxaan ordayey aniga oo hareerahayga fiirinaya - dhab ahaantii – khatarta waxay ahayd mid xilli kasta la filan karay".

Cabdi ayaa sheegay in ay dhibaato kasoo wajahdey muruqa lugta midig. Wuxuu tibaaxay in uusan kamid noqdeen saddexda ugu sareysay liiska saaxiibkiis Nageeye la’aantiisa.

"Wuxuu yiri 'waa in aad socotaa.' Haddii uusan maanta joogi lahayn, waxay ahaan lahayd in aan ku haro 3-km ugu dambeeyay. Tababbarka midkeenna had iyo jeer wuu ka fiican yahay kan kale. Waana is-dhiiragelinaa," ayuu xusay.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inuu kaalinta labaad ku dhameystay, runtiina waan ku faraxsanahay macdanta aan qaatay".

Nageeye ayaa wuxuu metelayey waddanka Holland halka Cabdi uu calanka u sidday dalka Belgium, hase ahaatee labadooduba waxay ku dhasheen oo ay asal ahaan kasoo jeedaan Soomaaliya oo ay ka dhoofeen ayaga oo aad u da' yar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM