Tartanka kubada cagta maamulada iyo Banaadir oo furmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Galmudug iyo gobolka Banaadir ayaa barbaro 2-2 ku kala baxay kulanka furitaanka tartanka kubadda cagta maamuladda iyo gobolka Banaadir ee Axada maanta ah ka bilowday Muqdisho.

Dheeshan oo ka tirsan mar-xalada group-yadda A ayaa labadda kooxood waxay lasoo shir-tageen shaxda laacibiintii ugu fiicneyd.

Xulka kubadda cagta Galmudug oo hogaanka cayaartay u hayey illaa daqiiqadihii gu dambeeyay waxaa labada gool u kala dhaliyey xidigaha lagu kala magacaabo Fu'aad iyo Xasan Cabdi Xasan.

Ciyaartoyda xulka kubada cagta gobolka Banaadir oo goolka barbaraha la yimid daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulanka waxay goolasha kala mahadcelinayaan laacibiinta kala ah; Cabdirashiid iyo Ibraahim Ilyaas.

Tartanka kubada cagta maamulada iyo gobolka Banaadir oo qabsoomaya sanadkii saddexaad waxaa labadii sano horey loo qabtay ku kala guuleystay Puntland iyo Jubaland – oo haatan ah difaacadayaasha xagaagan.

Group-ka A waxaa kuwada jira Banaadir, Galmudug iyo HirShabelle, halka ay Group-ka B ku jiraan Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Sidda ku cad jadwalka kulamadda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, waxaa kulanka berri qalcadda Eng Yariisow Stadium kuwada balansan xulka kubada cagta Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM