Tirada shaqaalaha ku dhintay Koobka Aduunka 2022 oo la shaaciyey

Image
Waa markii ugu horeysay oo mas'uul ka tirsan xukuumadda Dooxa uu soo hadal-qaado qadiyadan xasaasiga ah.

DOOXA, Qadar - Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Qatar ayaa markii ugu horreysay ku sheegay tirada shaqaalaha ku dhintay u diyaar-garowga Koobka Aduunka “inta u dhaxaysa 400 illaa iyo 500”.

Mas'uuliyiinta oo qeyb ka ah qabanqaabada tartanka ayaa tiradda uu soo bandhigay waxaa horey u baahisay xukuumadda Dooxa wallow ay su'aallo ka keeneen hay'adaha xuquuqda aadanaha.

Hadalkan Hassan al-Thawadi, oo ah xoghayaha guud ee guddiga sare ee qabanqaabada koobka, ayaa hadalkan ka dhawaajiyey xilli uu wareysi siinayay Piers Morgan oo ah saxafi British ah.

Al-Thawadi ayaa sidoo kale wuxuu caddeeyay in Qadar ay isu-diyaarinta ku bixisay in ka badan $200 bilyan oo lagu dhisay garoomo, khadadka tareenada iyo kaabayaal cusub ee loo baahan yahay tartanka.

Dhaleeceynta kooxaha xuquuqul insaanka ee ku aaddan khasaaraha ka dhashay martigelinta Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay ee Bariga Dhexe ayuu ku tilmaamay "mid xaqiiqadda ka durugsan".

Guddiga Sarre ee qabanqaabadda koobka aduunka Qadar 2022 ayaan kala caddeyn haddii hadalka Al-Thawadi uu yahay kan rasmiga ah kadib isku-dayo xiriir oo ay saxaafadda la sameysay.

Meelaha ee lagu dhaliilay Qatar waxaa kamid ahaa mushaharka ay u qoondeysay shaqaalaha dhisay garoomadda oo dhan $275. Lacagtan waxaa la sheegay in aysan ku filnayn howlwadeenadda ajnabiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM