Xidigaha Morocco oo garoonka usoo watay hooyooyinkooda

Image
Qaar ka mid ah warbaahinta reer Galbeedka ayaa farta ku fiiqday in arrintani tahay mid aad u wanaagsan.

DOOXA, Qadar - Inta badan xubnaha xulka qaranka Morocco - ka bilow ciyaartoyda iyo macalinka - ayaa garoomada Qatar ee martigelinaya Koobka Aduunka 2022 waxay usoo kaxaysteen hooyooyinkooda iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyskooda si ay uga helaan dhiirogalin inta ay ciyaartoyda socoto.

Laacibka qadka dhexe Soofiyaana Buufal ayaa hooyadiis kula dabaalgagay garoonka markii dhowaan Marooko ay ka badisay dhigooda waddanka Boortaqiiska.

Waxaa sidoo kale hooyadiis soo watay difaaca xulkan Muslimka ah ee Ashraf Xakiimi, kaas oo la arkayay iyada oo dhabanka ka dhunkanaysa mar uu gool dhaliyay.

Xitaa tabobaraha qaranka Waliid ayaa soo kaxaystay hooyadiis, isaga oo sheegay in ay doonayaan in ay dunida tusaan dhaqanka wanaagsan ee Muslimiinta, Koobka Adduunkana yahay meeshii ugu wanaagsanayd ee ay ku muujin lahaayeen.

Morooko ayaa maanta oo Abraco ah la ciyaari doonta xulka Faransiiska oo difaacanaya koobka. Ciyaartooyga lagu magacaabo Ilyaas ee qadka dhexe ayaa sheegay in uu horey usoo kaxaystay hooyadiis, xaaskiisa iyo xubno kale oo qoyska ka mid ah, wuxuuna sheegay in ay ka heleen dhiirogalintii ugu badnayd.

Qaar ka mid ah warbaahinta reer Galbeedka ayaa farta ku fiiqday in arrintani tahay mid aad u wanaagsan, kana duwan dhaqanka ka jira reer Galbeedka ee ciyaartooyda ay horey usoo wataan gabdhaha ay haasaawaha wadaagaan, iyada oo waalidka marka ay gaboobaan la geeyo goobaha lagu xanaaneeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM