Gaas oo tagey Godad

Image

29 Augusto,2015(GO)-Safar aan la sii shaacin ayaa maanta madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali "Gaas" ku tagey xerada ciidamada Darawishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Godod ee Gobolka Mudug.

Ujeedka madaxweynaha Puntland ee xeradaasi ayaa lagu sheegey inay tahay  u kuurgalidda xaaladda cidamadaasi, waxaana sidoo kale uu xariga ka jaray sida wararka ku helayo Garoweonline darbi laga dhisay xeradaasi.

Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtey Galkacyo waxana uu saacada soo socda so xiri doona shirka wadatashiga Puntland ee ka socdey magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM