Puntland iyo Jubaland oo barbaro goolal la'aan galay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciyaartii u dhaxeysay Puntland iyo Jubaland ee ka tirsaneyd heerka Group-yadda tartanka kubada cagta maamulada iyo gobolka Banaadir ayaa kusoo dhamaatay barbaro 0-0 ah.

Dheeshan ka dhacay garoonka Eng Yariisow ee ku yaala degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir oo ahayd kulankii afaraad ee koobka ayaa labada dhinac waxay sameeyeen fursado goolal noqon karay.

Natiijadan ayaan fiicneyn Jubaland oo ah difaacadayaasha tartanka balse kulankii koowaad guuldaro 1-0 ah kala kulmay dhigooda xulka Koonfur Galbeed oo hogaaminaya Group-ka B oo ay kuwada jiraan.

Fursadda ay Jubaland ugu soo gudbi karto wareega afar dhamaadka koobkan ayaa kaliya ah in Puntland ay goolal badan kaga adkaato Koonfur Galbeed kulanka ay fooda is-dari doonan asbuuca soo aadan.

Xulka kubadda Gobolka Banaadir ayaa shalay iska xaadiriyey wareega afar dhamaadka ka gedaal markii uu 1-0 ku garaacay HirShabelle oo berri la balansan dhigooda Galmudug oo hal dhibic haysta.

Gobolka Banaadir ayaa haatan leh afar dhibcood, halka HirShabelle oo ay kuwada jiraan Group-ka A aysan shaqeysan wax dhibco ah kulamadda illaa haatan laga dheelay tartankan aadka isha loogu hayo.

Jubaland iyo HirShabelle ayaa kaliya ah labada maamul ee guuldaro dusha loo saariyey tan iyo markii uu bilowday tartanka waana dowlad goboleedyada illaa haatan qarka u saaran in ay mac-salaameeyan koobka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM

Tartanka kubada cagta maamulada oo qarka u saaran inuu fashilmo

Khilaafka salka ku haya maaliyad iyo maamul-xumo ayaa la warinayaa inuu cirka isku-sii-shareerayo.

  • Cayaaro

    18-01-2024

  • 02:41PM