"Kenyan Al-Shabaab ah" oo baranaya qafaalashada diyaaradaha oo la xiray

Image

MANILA, Philippines – Muwaadin u dhashay waddanka Kenya kaasoo looga shakisan yahay in uu xubin ka yahay Al-Shabaab, kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa lagu xiray Philippines.

Amador Corpus, agaasimaha Hay’adda Dambi Baarista, ayaa shaaciyey in Cholo Abdi Abdullah, oo 28-jir ah, lagu qabtey Talaadadii magaalada Iba, oo ka tirsan gobolka Zambales oo 142 mile u jirta caasimadda Manila.

Cabdullaahi, arday ka yimid Nairobi kaasoo dhigtay Akadeemiyada Duulimaadka Aasiya ayaa laga soo watey qol uu ka deganaa huteel.

Corpus ayaa warfidiyeenka u sheegay in la tuhunsanaha uu baranayey "hanjabaadyo kala duwan oo ka dhan ah duulimaadka, afduubashada diyaaradaha iyo sameynta dukumiintiyada been-abuurka ah.

Eedeysanaha ayaa la sheegayaa in uu ku sugnaa Philippines tan iyo sanadkii 2007-kii. "Hay'addaha ammaanka si dhow ayey u la socdeen dhaqdhaqaaqiisa," ayuu xusay.

"Waxaa lagu soo xiray howlgal degdeg ah oo bawladiisa ay ogolaadeen hay’addaha garsoorka," ayuu yiri Corpus.

Saxaafada maxaliga ah ayaa sheegeysa in qolkiisa sidoo kale laga soo helay walxo qarxa, bambaanooyinka gacanta si lamid ah agabyo oo qaraxyada laga sameeyo.

"Xubin buu ka ahaa Al-Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya ee xiriirka la leh Al-Qaacida, ee sanadkii 2015-kii mid kamid ah horjoogeyaasheeda iyo tirro raacsan ay ku jireen Daacish," ayuu daba dhigay.

Markii la waydiiyey hadii ay suurogal tahay in Cabdullaahi uu ku lug-lahaa falal argagixisinimo ayuu ku jwaabey: "Illaa iyo haatan waxaanu dabagaleynaa hadii uu qorsheynayay weeraro.

Philippines, dal ku yaala Koonfur-Bari Aasiya, ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro ay geysteen kooxaha loogu yeero argagixisada oo beegsadey huteelo iyo goob ay dadku ku mashleeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ugu hanjabay Iran Dagaal ka weyn kii hore haddii diido ‘Heshiis Rasmi Ah’

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in joogitaankan uu ka koobnaan doono.

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 05:33AM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM