Nin sababay geerida Soomaali oo lagu xukumay 40-sano oo xarig ah

Image

WASHINGTON, United States – Maxkamad ku taala Mareykanka ayaa nin 40-sano jir ah waxay 40-sano oo xarig ah ugu xukuntay in uu si ola kac ah u jiiray arday Soomaali ah kaasoo ahaa 15-sano jir.

Xukunsanaha Axmed Aadan ayaa falkaas kula kacay marxuum C/samad Sheekh Xuseen bishii December sanadkii 2014-kii, waxaana ay ka dhacdey gobolka Kansas ee bartamaha-galbeed ee dalkaas.

Xafiiska dacwad-oogaha guud ee ismaamulka Jackson oo xukunka ku dhawaaqay ayaa xusay in Aadan uu si ku talogal ah u dardaray Cabdisamad xilli uu kasoo ka baxayey masjidka ay Soomaalida leedahay.

Aadan oo bishii December galay heshiis dambi-qirasho ah ayaa wuxuu u sheegay baareyaasha in uu si ola kac ah u jiiray wiilka dhalinyarada ahaa.

"Waxaan baadigoobayey rag kol hore ii hanjabay, waxaana si qalad ah ugu maleeyay Cabdisamad in uu kamid ahaa ama midkood uu yahay," ayuu raaciyey.

Xeer-ilaalinta oo lahayd soo jeedinta xukunkaas ayaa waxay ku sifeysay falka Aadan "mid salka ku haayey xaalado la xiriira Islaam-naceyb".

Mareykanka ayaa kamid ah wadamada dunida ee Soomaalida ay ku leedahay joogitaanka ugu balaaran, waxaana badankooda ay yihiin kuwa dalkooda hooyo uga cararay colaadaha qarxay sanadkii 1991.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Mareykanka oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay buuraha Cal Madow

Buuraha Cal Madow ayaa muddo dheer ahaa deegaan ay kooxaha hubeysan ku leeyihiin saldhigyo iyo goobo ay ku dhuuntaan.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 10:58AM

Mareykanka oo mar kale diiday fiisaha Maxamuud Cabbaas

Tani waxay noqonaysaa sannadkii labaad oo xiriir ah oo Cabbaas laga hor istaago inuu si toos ah uga qeyb galo shirka sannadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 04:54AM