Trump oo bilaabay ololihiisii doorashada Mareykanka ee 2020-ka

Image
Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqey musharaxnimadiisa doorashadda soo socota ee dalka Mareykanka, taasoo la filayo inay dhacdo sanadka soo socda ee 2020-la.

Trump ayaa musharaxnimadiisa ka ic-laamiyey isu soo bax uu kuu qabtay magaaladda aadka looga taageero ee Orlando ee hoos-timaada gobolka Florida.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xili xisbiga dimoqraadiga uu ku dhawaaqey murashaxiisa, kaasi oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore, Joe Biden.

Labadaan siyaasi oo u kala tartamaya Jamhuuriga (Trump) iyo Joe Biden (Dimuqraadiga) oo taageero badan ku leh gudaha dalka Mareykanka ayaa waxa la filayaa in tartankooda uu noqdo mid aad u adag.

Su'aalaha la is-waydiinayo ee durba soo ifbaxay, waxaa kamid ah hadii Trump uu mar kale guuleysan sideee ayuu Mareykanka noqon doonaa, siyaadda gudaha iyo mida dibadda.

Donald Trump oo ah ganacsade leh hanti fara badan ayaa aad loogu dhaliilaa siyaasadiisa ku dhisan soo galootiga iyo Muslim naceybka iyo dagaalka ka dhanka ganacsiga ee uu kula jira China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM