Trump oo bilaabay ololihiisii doorashada Mareykanka ee 2020-ka

Image
Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqey musharaxnimadiisa doorashadda soo socota ee dalka Mareykanka, taasoo la filayo inay dhacdo sanadka soo socda ee 2020-la.

Trump ayaa musharaxnimadiisa ka ic-laamiyey isu soo bax uu kuu qabtay magaaladda aadka looga taageero ee Orlando ee hoos-timaada gobolka Florida.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xili xisbiga dimoqraadiga uu ku dhawaaqey murashaxiisa, kaasi oo ah madaxweyne ku xigeenkii hore, Joe Biden.

Labadaan siyaasi oo u kala tartamaya Jamhuuriga (Trump) iyo Joe Biden (Dimuqraadiga) oo taageero badan ku leh gudaha dalka Mareykanka ayaa waxa la filayaa in tartankooda uu noqdo mid aad u adag.

Su'aalaha la is-waydiinayo ee durba soo ifbaxay, waxaa kamid ah hadii Trump uu mar kale guuleysan sideee ayuu Mareykanka noqon doonaa, siyaadda gudaha iyo mida dibadda.

Donald Trump oo ah ganacsade leh hanti fara badan ayaa aad loogu dhaliilaa siyaasadiisa ku dhisan soo galootiga iyo Muslim naceybka iyo dagaalka ka dhanka ganacsiga ee uu kula jira China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen oo weerarro is-weydaarsaday

Weerarada cusub ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadaha u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ay mar kale sare u kacayaan.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 05:11PM

Puntland iyo Mareykanka oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay buuraha Cal Madow

Buuraha Cal Madow ayaa muddo dheer ahaa deegaan ay kooxaha hubeysan ku leeyihiin saldhigyo iyo goobo ay ku dhuuntaan.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 10:58AM